Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe ka daah furay Carwada Bandhigga Buugaagta

$
0
0

Madaxweynaha dalwadda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28 July, 2016 magaalada Garoowe kaga qayb galay munaasabad loogu magac daray Bandhigga Buugaagta oo markii labaad lagu soo bandhigayo caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey hay’adda Cilmi baarista ee SIDRA iyo shirkadda Daabacaadda ee ScanSom, waxaana kasoo qayb galay Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Saciid Ciise, guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Wasiirro, Xidhibaano, Qoreyaal Soomaali iyo Ajaab isugu jirey iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 570 buug oo ay qoreen Qoreyaal Soomaali iyo Ajaanib isugu jira oo ay ka mid ahayd gabar da’deeda lagu sheegay 12-sanno jir qoraa Soomaaliyeed ah, waxaana buugaagtaasi diiradda lagu saarayey dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida, Murtida Soomaalida iyo Hodontinimada Afka Soomaaliga.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo munaasabadda furay ayaa ugu horrayn bogaadiyey qoreyaasha kasoo qayb galay munaasabadda bandhigga buugaata, kuwaas oo ka kala yimi meelo aad u kala fog oo ka ka mid ah daafaha caalamka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax aqrinta iyo qorista isagoona tusaale u soo qaatay Aayadii ugu horraysey ee uu Eebbe kusoo dejiyey Suubbaneheena N.N.K.H in ahayd “IQRA” taas oo markhaati u ah qiimaha ay leedahay wax aqrinta iyo qorista.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dawladda Puntland ay maktabaddeeda u  iibin doonto 570 buug oo ka mid ah kuwaan maanta lagu soo bandhigay carwada bandhigga buugaagta, isla markaaana waxa uu ku boorriyey dadka reer Puntland ay ka faa’iideystaa qoreyaashaan aqoon yahanka ee soo gaarey Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_0719 IMG_0720 IMG_0722 IMG_0724 IMG_0728 IMG_0729 IMG_0730 IMG_0732 IMG_0733 IMG_0735 IMG_0741 IMG_0742 IMG_0744 IMG_0747 IMG_0749 IMG_0752 IMG_0759 IMG_0760 IMG_0762 IMG_0765 IMG_0773 IMG_0774 IMG_0778 IMG_0783 IMG_0789 IMG_0790 IMG_0796 IMG_0802 IMG_0803 IMG_0810 IMG_0813 IMG_0825 IMG_0831 IMG_0835 IMG_0837 IMG_0840 IMG_0845 IMG_0846 IMG_0848 IMG_0854 IMG_0858 IMG_0859 IMG_0860 IMG_0863 IMG_0865 IMG_0868 IMG_0871 IMG_0872 IMG_0874 IMG_0877 IMG_0884 IMG_0886 IMG_0890 IMG_0898 IMG_0899 IMG_0901 IMG_0903 IMG_0908 IMG_0930 IMG_0933 IMG_0940 IMG_0943 IMG_0946 IMG_0948 IMG_0949 IMG_0950 IMG_0951 IMG_0957 IMG_0958 IMG_0962

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe ka daah furay Carwada Bandhigga Buugaagta appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>