Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka uga qayb galay shirar muhim ah

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo muddooyinkii ugu dambeeyey hawlo shaqo oo muhim ah u joogey waddanka maraykanka ayaa ka qayb galay shirkii xisbiga dimuqraadiga waddanka Markaynka oo lagu qabtay Philadelphia.

Ujeedada ka qayb galka Agaasimaha ee shirkaasi ayaa la xiriirtey sidii uu wax badan uga ogaan lahaa hannaanka doorashada ee xisbul xaakimka dalkaasi iyadoo xilligaasi ay socotey doorashadii Hillary Clinton loogu dooranayey in ay noqoto musharraxa Madaxweyne ee xisbigaasi.

Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu booqday Mac-hadka Citizen Diplomacy International of Philadelphia waxaana uu kulan la qaatay maamulka Mac-hadkaasi isagoona ka xog-waraystay habka ay u shaqeeyaan iyo xogaha dheeraadka ah ee ay ka hayaan hannaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee dalkaasi.

Safarkaan uu Agaasime Deeq ku joogo dalka Maraykanka ayaa yimid ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, waxaana uu kormeer shaqo ku tegey muddadii uu ku sugnaa dalkaas ilaa 6 gobol oo ka mid ah dalka Maraykan si’uu uga soo kororsado aqoon iyo khibrad la xiriirta hannaanka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalkaasi, sidoo kale waxa uu ka qayb galay doorashadii xisbiga Republican-ka dalkaasi.

Puntland ayaa dhowaan u guuri doonta hannaanka axsaabta badan kadib markii xasaanad la siiyey guddiga doorashooyinka Puntland ee dhowaan la magcaabay, waxaanay Puntland isu diyaarinaysaa in ay la tartanto dalalka horumaray isla markaana uu qof walba oo reer Puntland ahi xaq u yeelan doono in uu codkiisa ku doorto mustaqbalkiisa.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.13639788_1114479151949819_2052159519_o 13639843_1114480271949707_410721600_o 13681870_1114480631949671_896483457_o 13833304_1114480241949710_1438493357_o 13843659_1114480368616364_1225480617_o 13871980_1114480995282968_90093263_n 13874854_1114481055282962_1520589526_n 13883790_1114479475283120_1933016758_n 13883814_1114480751949659_525108990_n (1)

The post Warbixin: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka uga qayb galay shirar muhim ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>