Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa maanta kusoo dhawaysay magaalada Garowe Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul iisaanka Dowlada Federalka Somalia Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar
Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Aniso Abdulqaadir Muumin ayaa hormuud ka ahayd Haweenkii kusoo dhaweeyey duleedka magaalada Garowe Wasiir Sahra Maxamed Cali Samatar.
Drs Aniso Abdulqaadir Muumin ayaa uga mahadcelisay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Iisaanka DF Somalia imaanshiyaheeda Puntland, Waxayna sheegtey inay timid dhulkeeda hooyo .
Abshir Dhiirane
Puntlandpost.com
The post Wasiirka Haweenka DF Somalia oo lagu soo dhaweeyey Garowe appeared first on Puntland Post.