Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegey in weerar hubeysan ay ku qaadeen maleeshiyo aan heybtooda la garaneyn xarun la yiraahdo Wisil oo ku taala xaafadda koonfurta Gaalkacyo ee Baraxley.
Goobtan ayaa weerarka lala beegsaday xilli ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Dad shacab ah , Faahfaahin rasmiyana lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ahaa mid rasaas ooda looga qaaday xarunta la weerarey.
Goobjoogayaal la hadlay Puntlandpost waxa ay sheegeen inta la hubo weerarkan inay ku dhaawacmeen masuuliyiin uu ka mid yahay Afhayeenka maamulka Galmudug Yoonis Abshir iyo Saddex ruux oo kale.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatey weerarkan hubeysan Si la mid ahna wali war kama aysan soo saarin maamulka Galmudug
Abshir Dhiirane
Puntlandpost.com
The post Gaalkacyo xarun ku taala oo la weerarey appeared first on Puntland Post.