Taliyaha ciidanka booliska Dowlada Federalka Soomaaliya S/gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa soo bandhigay dhalinyaro heer wanaagsan ka gaarey aqoonta dugsiyada sarre iyo Jaamacadaha oo kusoo biireysa ciidanka booliska kuwaas oo uga duwan askartii hore ee ciidanka la qori jirey muuqaalka iyo aqoonta .
Waxa uu sheegey taliye Xaamud intii ka danbeysay markii loo magacaabay hogaanka ugu sareeya booliska inuu xooga saarayay sidii uu wax uga bedeli lahaa qaab dhismeedka ciidanka tayo iyo muuqaal ahaan-ba.
Taliye Xaamud ayaa sheegey in talaabadani tahay mid farxad iyo yididiilo u ah ummada Soomaaliyeed islamarkaana muujinaysa rajo kusoo celinta ummada iyo dhismaha qaranimada dalka.
Ciidanka Booliiska waa kan ugu faca wayn ciidamada qalabka sida wuxuuna soo marey marxalado kala duwan , waxaana uu sheegey Taliye Xaamud in hadda ay ka muuqanayso ififaalo wanaagsan .
Daawo Sawirada
Abshir Dhiirane
Puntlandpost.com
The post Dhalinyaro aqoon leh oo la qorey booliska Somalia appeared first on Puntland Post.