Nairobi: (pp)- Wasiirka arrimaha Guddaha dowlada Puntland Gen. C/laahi Ilkajiir oo xalay magaalada Nairobi ugu waramay shacabka iyo aqoonyahanka , kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku hanjabay , ” Hadii Kenya la yiri waa baxaysaa , dhammaan AMISOM oo dhan waa baxaysaa , kuli waa baxauaan waana la arki doonaa meesha Alshabaab laga gelayo” oo ula jeediyey ciidamada Shisheeye ee dalka kusugan in ay yihiin kuwo caawinaya Soomaalida isla markaana dagaal kula jira Al-shabaab.
Mudanahan , ayaa ku dhaliilay DF ee Soomaaliya inay shaqadii looga fadhiyey in ay dalka u qabtaan ay ka weecdeen oo ay Jubbaland iyo Kismaayo shaqo ka dhigteen, wuxuuna sheegay in taasi aysan macquul ahayn.
Ciidamada Shisheeye ee dalka Nabad ilaalinta u jooga ayuu sheegay in dhammaantood ay isku mid yihiin oo aysan jirin wax ay ku kala duwan yihiin.
Generaal Jaamac Ilkajiir ayaa ku celceliyey oo yiri ” Iminka waxaa la leeyahay Kenya waa baxaysaa , Ugandhana waa baxaysaa, dhammaan waa baxayaan” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
Wasiirka oo ay hadalkiisa ay u riyaaqeen wadaniyiintii Soomaaliyeed oo xalay dhegaysanaayey Khudbadiisa , ayaa wuxuu khudbadiisa kusoo qaatay howlaha horramarineed ee dalka ka socda, isagoo Jaaliyada ugu baaqay in dalkooda dhistaan , kana qayb qaataan horrumarinta ka jirtan dalka .
Generaalka ayaa dadkii dhegaysanayey niyada ugu dhisay oo yiri ” Jubbaland, ma guul-daranayso Inshaa’alah , waana guulaysanaysaa” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.
Wasiirka ayaa ka mid ah wafdiga madaxweynaha Puntland oo howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi, iyagoo maalmihii la soo dhaafay la kulmay Beesha Caalamka , kalana hadlay Xaalada Soomaaliya iyo Puntland.
Puntlandpost, Nairobi, Kenya