Yokohama: (pp)- Shirkii gaarka ahaa ee looga hadlayey arimaha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Yokohama ee dalka Japan.
Dowlada jaban ayaa shirka qabashadiisa door muhiim ah ka siisey kaga hadlida taageero la siiyo Dowlada Somalia , iyadoona mar uu hadal kasoo jeedinayey madasha shirka Madaxweynaha DF Somaliya Xasan Shiikh uu si weyn uga mahadceliyey qabashada shirkan Ra’iisul Wasaaraha sida quruxda badan ee Hormuudka uga noqday shirkan Qaaska ah ee Soomaaliya ku saabsan.
Xasan Shiikh ayaa sheegey in shirka uu yahay mid kaabi doona shirkii London oo la isku afgartay in Soomaaliya laga saacido dhanka amniga, garsoorka iyo maareynta maaliyadda.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadal dheer gabo gabadii shirka ka jeediyey ayaa ka codsaday in shirkan ay Japan iyo beesha caalamkuba xoogga ku saaraan arrimaha dib u dhiska hay’adaha dalka iyo shaqaalahooda, dib u dhiska waddooyinka, dekedaha iyo dhammaan goobaha ilaha dhaqaalaha laga heli koro iyo isagoo si gaar ah u xusay in Soomaaliya ay dhalinyarada ay muhiim tahay in loo helo xirfado iyo shaqo si ay bulshada iyo dalkaba wax u taraan.
Madaxda shirka kasoo qeyb gashey oo ka kala socdey wadamo badan oo ka tirsan Dunida iyo Africa ayaa sidoo kale Madaxdii kasoo qeyb gashey waxaa ka mid ahaa Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki Moon, Madaxweynaha Dalka Tanzaniya Jakaye Kikwete ,ra,iisul wasaaraha Ethopiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku Xigeenka Kenya William Ruto.
R/wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo khudbad kasoo jeediyey xiritaankii shirka ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu Soomaaliya siin doono taageero buuxda oo dhan walba leh,wuxuuna ballan qaaday iney dowladda Soomaaliya ula shaqayn doonaan si wanaagsan.
Dowlada Japan waxay ka mid tahay dowladaha sida toos ah usoo gaarsiiya kaalmada beesha caalamka DF ka hesho sida ay marar badan warbaahinta ka sheegeen Madaxda Dowlada Somalia.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Yokohama Japan.