Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wadatashi ku saabsan dastuurka Somalia oo lagu qabtey Garowe

$
0
0

Dallada dhalinyarada gobolka Nugaal Mudan ayaa Garowe ku qabatay wadatashi ku saabsan qabyo qoraalka dastuurka kmg ah ee Soomaaliya, Waxaana lagu casumay wadatashigaan dhalinyaro ka socotay jaamacaddaha, halka ay kasoo qeyb galeen furitaankiisa masuuliyiin ka socda hay’addaha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal iyo Nabaddoono.

Wasiir ku xigeenka Shaqada, Shaqaalaha iyo Dhalinyarada Puntland Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil ayaa furay shirkan, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin inay dhalinyarada kusoo dhoweeyaan hogaaminta dalka, isagoona kula dardaarmay inay la yimaadeen karti iyo Aaminaad.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi ayaa ku booriyay dhalinyarada inay si fiican u akhriyaan dastuurka Soomaaliya, si ay u ogaadaan xuquuqda ay ku leeyihiin, waxaa kale oo uu sheegay inuu aaminsan yahay in la joogo waqtigii dhalinyarada kaalin ku yeelan lahaayeen siyaasadda wadanka.

Gudoomiyaha dallada Mudan Maxamed Muuse Maxamuud ayaa sheegay wadatashigaan in diirada lagu saarayo kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin dastuurka Soomaaliya, qoondada dumarka ee ah 30% iyo numberka ay dhalinyaradu ku yeelan karaan dadka dooranaya xildhibaanada u sharaxan aqalka hoose ee barlamaanka.

Sidoo kale Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN ayaa sheegey inuu barnaamijkaan qeyb ka yahay mashruuc wayn oo ku saabsan ka qeyb galka dhalinyarada arrimaha siyaasada, la xisaabtanka dowladda iyo xoojinta ururada dhalinyarada.

Halka uu isna sheegey Gudoomiye ku xigeenka dallada dhalinyarada Puntland Farxaan Maxamed Nuur (Caano geel) inuu mashruucan fursad u siinayo dhalinyarada sidii ay u arki lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin dastuurka  iyo fursadaha uga bannaan hogaaminta dalkooda.

Daawo Sawiradda.

DSC7942 DSC7943 DSC7945 DSC7946 DSC7951 DSC7954 DSC7957 DSC7960 DSC7962 DSC7964 DSC7965 DSC7970 DSC7972 DSC7973  DSC7978 DSC7979 DSC7981 DSC7982 DSC7984 DSC7985 DSC7987 DSC7990 DSC7994Abshir Abdulaahi (Dhiirane)

Xafiiska Wararka

Puntlandpost Garowe

The post Wadatashi ku saabsan dastuurka Somalia oo lagu qabtey Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>