Garowe-Puntlandpost )-Afhayeenka qurba joogta Puntland Cabdirasaaq Gosol, Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa qeybteeda Garowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac “Quraanjecel” ayaa maanta wareejiyay lacag dhan 12 kun oo dollar oo Degmada Xaabo ee Gobolka Gardafuu Iskuul loogu dhisayo.
Beeldaajaha ayaa uga mahadceliyey cid walba oo gacan ka geysatay aruurinta lacagtan iskuulka loogu dhisayo degmada Xaabo oo baahi xaga waxbarashada ah ay ka jirtey in muddo ah , Isagoona sheegey inuu si rasmiya ugala wareegey guddigii loo soo wakiishay lacagta
Sheekh Maxamud Xaaji Yuusuf ayaa si la mid ah uga mahaceliyey qurbo joogtu dadaalka dheer ee ay u galeen aruurinta lacagta , Isagoona Alle uga baryey inuu badal wanaagsan ugu bedelo tabaracooda.
Si gaar ah wuxuu afhayeen Gosol ugu mahadceliyey dadka kala ah .
- Cumar Gureye Kaarshe
- Aadan Shire
- Deeq Diiriye
- Sahra Salax
- Shukri Daahir Sallaad
- Ismaaciil Ahmed Qaalib
- Abwaan Abdinuur Aadan faarax Iyo Culimada Masjidka Rahma ee Dalka UK.
Daawo Sawiradda
Abshir Abdulaahi (Dhiirane)
Xafiiska Wararka Garowe
Puntlandpost.com
The post Qurba-joog lacag siisay Degmada Xaabo ee Puntland appeared first on Puntland Post.