Kismaayo: (pp)-Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo Xarunta KMG ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya in Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay gaareen halkaasi , iyadoona horeyo ay kismaayo u joogeen ciidamo Kenyan ah.
Ciidamadan ayaa lagu sheegey tiradoodu inay gaareyso 100 askari, waxaana markii hore ay kasoo degeen magaalada Muqdisho oo ay ka dib uga gudbeen Kismaayo oo ay fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha iyo waqooyiga magaalada sida ay Puntlandpost u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah .
Dalka Sierra Leone oo ku yaal galbeedka Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka Afrika ee sheegey inay Somalia ciidamada nabad ilaalinta ee jooga ay qeyb ka qaadan doonaan,iyadoona horey Gobolada Koonfurta Somalia u joogeen ciidamo ka socda wadamada Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya.
Ma ahan ciidankii ugu horeeyey oo ka socda wadanka Sierra Leone oo gaara Gobolka Jubada hoose waxaa horey u jirtey ciidamo kale oo isla wadankaas ka socda oo todobaad ka hor soo gaarey deegaanada dhoobley iyo qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose.
Maamulka Jubaland ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan ciidanka nabad ilaalinta ee kusoo biirey ciidankii horey Kismaayo ugu sugnaa , iyaga oo sheegey masuuliyiinta maamulku inay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan iskaashiga dhanka nabad kusoo dabaalida deegaanada Jubaland.
Puntlandpost.com
Kismaayo.