Nayrobi: (pp)- Jaaliyada Somalida ee ku nool wadanka Kenya ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed iyo wafti Puntland oo uu hogaaminayo oo jooga magaalada Nairobi.
Xaflada oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayna soo qaban qaabisey rugta Ganacsiga Jubaland ayaa waxaa kasoo qeyb galey shacab faro badan oo ka mid ah jaaliyada Kenya ee Soomaalida, masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya, Jubaland,Xillibaano DF Somalia, Diblumaasiyiin beesha caalamka iyo waftiga Puntland ee uu hogaaminayo Mudane Faroole.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Dowlada Puntland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo ka mid ahaa xubnihii Puntland ee xaflada loo qabtey ayaa khudbado goobta kasoo jeediyey , kuwaas oo si qoto dheer oo faahfaahsan uga hadley xaalada Somalia.
Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed oo isagu soo xirey munaasabad ayaa khudbadiisa kaga hadlay Jubaland oo uu sheegey in taageeradeedu wadnaha uga taal Puntland madax iyo shacab.
Dr Faroole ayaa hoosta ka xariiqey in wadada loo marayo dib u heshiisiin Somalia ka dhacda ay noqoneyso iyada oo la raaco nidaamka wadanka loo dejiyey ee Federalism-ka, kaas oo baneynaya in gobolada dalku sameystaan maamulo.
Mudane C/raxmaan Shiikh maxamed Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegey in uu fariin u dirayo Kumanaanka qof ee qaxootiga ku ah Kenya iyo Ethiopia inay sameeyaan fikrad cusub oo ku saabsan sidii ay mustaqbalkooda ay dib ugu dhisan lahaayeen.
Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa maalmahan joogey wadanka Kenya waxaana la filayaa ka dib kulamada halkaasi ku leeyihiin inay usii gudbaan dalal kale oo ku yaal Gobolka iyo Khaliijka Carbeed.
Dhinaca kale xubnihii Madaxda ee Xafladu intii ay socotey ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Yaasiin Jaamac oo Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyey Dadaalka uu ugu jiro Soomaaliya gaar ahaan Jubaland, wuxuuna ka codsadey Puntland iney Jubaland ka caawiyaan dhinaca khibrada Maamul goboleednimada.