Ra’iisal wazaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) ayaa markii uu xilka qabtayba ayaa waxaa bilowday khilaaf dedeg ah oo aan kala go’ lahayn oo u dhexeeya isaga iyo madax-weynihii Cabduullaahi Yuusuf, laakiin waxaa mar kasta maqnaa ama aan waajibaadkiisa sidii la rabay u gudunayn Xil-DHibaannadii buuxiyay aqalka golaha shacabka, waxayna arrintu iska noqotay in wixii muran ahba lala aado waxa loogu yeero Beesha Caalamka, taasoo albaabka laga gelayo uu noqday dowladda Itoobiya. Nuur-Cadde ayaa wax kasta oo isaga iyo madax-weynaha ay isku qabteen innaba ha yaraatee diiday in meel dhexe wax laysugu keeno, waxaana Nuur-Cadde aad u dhiiri geliyay hadalladii bareerka ahaa ee ka soo baxayay Jendayi Frazer oo iyad ahayd u qaybsannaha arrimaha Afrika ee wazaaradda arrimaha dibadda ee dalka Marykanka. Waxay sidaasoo kale hadalladii haweenaydan saamayn ku yeesheen oo fikirkeedii la qaatay dowladihii IGAD oo iyagu ahaa bud-dhigihii dowladdii Soomaaliyeed ee Mbagathi lagu soo dhisay.
Axmed Walad Cabdallah, wakiilkii QM u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, oo isaga laf ahaantiisa musuqmaasuq iyo wax is daba marin badan waqtiyo sii horeeyay looga cabanayay, wuxuu iasgana si uusan qarsanayn u garab istaagay ra’iisal wazaare Nuur-Cadde, waxaana jiray warar soo noqnoqday oo sheegayay in markii u horeysay ee uu khilaafka soo baxayba uu madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf kula taliyay inuu xilka isaga tago haddii uusan la shaqayn karayn Nuur-Cadde. Arrintu sida dad badan ay qabeen ma ahayn, ama haddaan si kale u iraahdo macnnaheeda ma ahayn in Nuur-Cadde wax la tarayay, laakiin wuxuu ahaa shir-qool kale oo innaga laynnagu duminayay, waxaana nasiib daro ahayd in golihii shacabka ama xil-dhibaannadii aysan kaalintii la gudboonayd ka soo dhalaalin, waayo gabadhii aadka u qaylinaysay ee Jendayi Frazer, oo siyaabaha ay mararka qaarkood u hadlaysay aad moodaysay inay iyada gudoomiyihii barlamanka Soomaaliyeed tahay ma hadasheen haddii barlamanka Soomaaliyeed dhihi lahaa ama ku adkaysan lahaa in go’aanka arrinta ay iyagu xaq u leeyihiin….. Adan Max’ed Nuur (Aadan-Madoobe) oo guddoomiyaha barlamanka ahaa uma malayniyo inuu garan waayay shaqadisii, laakiin waxaa khalad ku ahayd inaysan arrinta horay u soo gelin……
Inta ay arrimahaas socdaan SHiikh SHariif Axmed, wuxuu ku sugnaa magaallada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti, waxaana jiray warar markii aad u faafay oo ahaa in meeshaas uu ka socday tabaabushe loogu diyaar garoobayo in meeshaas lagu qabto tartankii doorashada madax-weynihii Cabdullaahi Yuusuf bedeli lahaa. Dalka Qadhar, iyo dowladda Djibouti ayaa iyaga waday olole ay u samayniyeen SHariikh SHariif Axmed. Waxaa jirta in SHikh SHariif Axmed uu ahaa guddoomiyiih ururkii Maxkamadihii Islaamiga, isla markaasna lagu asteeyay inay yihiin argagixiso, waxaan xusid mudan in SHiik SHariif diyaarad looga qaaday goobaha dagaalka iyadoo ay waliba xabbaduu socoto, waxayna dad badan rumaysanyihiin inuu ahaa basaas u shaqayniyay sir-doonka Maraykanka oo ururkaas ku dhex jiray! …..
Waxyaabaha qaarkood siyaalaha ay u dhacayeen waxay ceeb ku ahayd Qoomiyadnimmada dadka Soomaaliyeed, Qabqablayaashii Muqdisho iyagoo la ogyahayinay dal kale mushaar ka qaadnayeen ayeey hadana iyagoo aan xataa wax su’aal ah la weydiin, wax baaritaan ah lagu samayn, wax maxkamad aah aan la soo taagin, bay hadana iyagoo iska dhigay xil-dhibaano qaran barlamankii soo dhex fariisteen…..SHiikh SHariif Axmed, waxaa uu galay olole doorasho oo keligiis ah, olole doorasho oo aan wax sharci ah loo soo marin, olole doorasho oo uu nidaamkiisa iyo sida u dhacayo isla markaasna aysan jirin cid kula tartamaysay, murashaxiin tartamaysa oo badan aysan imaan, haddii ay imaan lahaayeenna aan la siin muddo ku filan oo ay isku diyaarin karaan………waxaas oo dhan waxaa ka darnaa oo aan cidna is weydiin ama ka daba hadlin sida ay sharci ku noqonayaan ilaa 275xubnood oo xil-dhibaano ah, macnaha waxay ahayd dowlad laga garab dhisay dowladdii dhisnayd…..
December 29dii, 2008dii markii uu is cazilay madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isla markiiba Adan Max’ed Nuur (Aadan-Madoobe) oo ahaa Af-hayeenkii barlamanka wuxuu ku dhawaaqay in si dhaqsa ah madax-weyne cusub loo soo dooranayo, doorashada ay ka dhacayso xarunta barlamanka magaallada Baydhabo, laakiin waxaa taas ka hor yimid Axmed Walad Cabdallah, oo isaga si cad u sheegay in doorashada ay ka dhacayso dalka Djibouti,….. ma kula tahay Walad Cabdallah inusan la socon wixiika socday Djibouti?!….Aadan Madoobe!…..
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- L VIII) 58aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan. appeared first on Puntland Post.