Muqdisho-(Puntland Post) Madaxtooyada Soomaaliya waxaa goor dhaw si rasmi ah kaga furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboledyada dalka ka jira.
Maanta oo ah maalinta koowaad ee shirka ayaa xubnaha waxa ay ka hadli doonaan arimo dhowr ah, kuwaasi oo kala ah.
Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:
Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)
Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.
Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016
Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.
Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda
Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka
Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)
Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016ka.
PUNTLAND POST
The post Qodobada looga hadlaayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.