Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaalkacyo oo loogu baaqay inay ka shaqeyso Nabada

$
0
0

Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guryaynta Dowlada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Gaalkacyo inay ka shaqeeyaan Amniga Islamarkaana u istaagaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kuwa uu ugu yeerey Argagixiso dadka ku ugaarsada goobaha cibaada (Masaajida).

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ku amrey bulshada Gaalkacyo inay xiraan dhamaan luuq-yada xaafadaha ama marinada u dhaxeeya labo guri oo walba,midaasi oo uu sheegey Wasiirku inay suuro galinayso  dambiile kasta markuu fal lid ku ah Amniga geysto inuu kusoo dhacayo laamiga iyo jidadka waaweyn.

Wuxuu kula dardaarmay shacabka in looga baahan yahay sidii dowlada uga gacan siin lahaayeen sugida nabada , Isagoona si gaar ah u codsaday in bulshadu la shaqeyso maamulka degmada iyo laamaha kale ee Gobolka.

Wasiirka Howlaha Guud ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa hadalkan ka sheegey kulan uu maanta kala qeyb galay Waxgaradka, Odoyaasha, Siyaasiinta iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Halkan ka dhagayso Wasiir Cabdirashiid.

Abshir Xaaji Abdulaahi

Email:- Abshirdhiirane@gmail.com

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM

The post Gaalkacyo oo loogu baaqay inay ka shaqeyso Nabada appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>