Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee shalay soo gaarey magaalada Muqdisho ayaa maanta 3 August, 2016 Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya  kaga qayb galay shirkii Madasha hoggaamiyayaasha Qaranka oo maanta furmay.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha dawlad-goboleedka Jubbaland, Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka kumeel-gaarka ah ee Galmudug.

Dhinaca Puntland waxaa shirka Madaxweynaha ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Ujeedada shirkaan ayaa ahayd sidii loo dhammaystiri lahaa hawlaha qabyada ah ee la xiriira doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo waqtiga yare e ka dhiman xilliga doorashooyinka iyo dejinta jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada iyo hawl-gelinta guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad goboleed

Shirkaasi oo ahaa labo qaybood ayaa waxaa wejiga koowaad kulmay Madaxda dawladda Federaalka iyo  dawladaha xubnaha ka ah iyo guddiga doorashooyinka heer Federaal oo markii ugu horraysey kasoo qayb galay shirka Madasha isla markaana kasoo jeediyey warbixino la xiriira hawlohooda shaqo iyo qorsheyaasha u degsan.

Halka wejigii labaad ee shirkana ya kusoo biireen wakiillo ka kala socdey Beesha caalamka, iyadoona ay madasha iyo beesha caalamku  ka wada hadleen  diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona iyo dhammaystirka  hawlaha dhiman ee  ay beesha caalamku qaybta ka ahayd.

Shirka ayaa socon doona labada maalmood ee soo socda waxaana si qoto dheer loogu lafo guri doonaa dhammaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo qorshe hawleedka guddiyada doorashooyinka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_2817 IMG_2826 IMG_2827 IMG_2833 IMG_2841 IMG_2846 IMG_2855 IMG_2857 IMG_2861 IMG_2864 IMG_2866 IMG_2868 IMG_2869 IMG_2876 IMG_2878 IMG_2879 IMG_2889 IMG_2902 IMG_2907 IMG_2940 IMG_2942 IMG_2946 IMG_2957 IMG_2971 IMG_3002 IMG_3015 IMG_3025 IMG_3032 IMG_3036 IMG_3038

The post Madaxweynaha dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>