Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Booliska Puntland oo la barayo Aqoonta xuquuqda Aadanaha

$
0
0

Hay,adda Xuquuqul Iisaanka Puntland ayaa maanta ku daahfurtey magaalada Garowe barnaamij lagu barayo hay,addaha Amniga aqoon la xiriirta xuquuqda aadanaha kaas oo hay,addu hada ay ka bilowdey 8 saldhig boolis oo ku yaala Puntland.

Xaflad lagu daahfurayo barnaamijkan oo ka qabsoontey magaalada Garowe waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha, Qaar ka mid ah Xukuumada, Taliyaha Booliska, Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada, Wakiilo ka socda Hay’adaha caalamiga iyo Marti sharafta kale .

Gudoomiyaha Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Puntland  Maxamed Yuusuf Cali oo ka hadlay furitaankii barnaamijkan ayaa sheegey in Hay,addiisu tahay mid dowliya oo dastuuri ah, Islamarkaana leh xeer u gaar ah oo lagu hago taas oo  waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee loo dejiyey in lagu aasaaso hay’adaha dawladeed ee xuquuqda aadanaha.

Maxamed Yuusuf Cali waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababta loo aas aasay xafiiska difaaca xuquuqda aadanaha iyo wakiilada gobollada , Isagoona sheegey inay ka mid tahay awoodaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland sida ku cad qodobka 118aad ee dastuurka Puntlland:  

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Camay ayaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa daahfurka barnaamijkan ,  Wuxuuna sheegey in Hay,adda Xuquuqda Aadanaha ay bulshada u hayso shaqada ugu wanaagsan  ,Islamarkaana xukuumad ahaan ay wax walba la garab taagan yihiin.

Aqoontan la barayo Booliska waxa la rumaysan yahay inay isbedel dhab ah u horseedayso habka askarigu ula dhaqmo shacabka, islamarkaana wax ka bedeli doonto xadgudubka bulshadu kala kulanto ciidanka.

IMG_4267 IMG_4269 IMG_4270_1 IMG_4273 IMG_4275 IMG_4277 IMG_4279Abshir Xaaji Abdulaahi

Email:- Abshirdhiirane@gmail.com

Xafiiska Wararka Garowe

PUNTLANDPOST.COM

The post Booliska Puntland oo la barayo Aqoonta xuquuqda Aadanaha appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>