Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxda Soomaalida oo laga yaabo in ay isku Afgartaan in Doorashada Dib loo dhigo iyo qilaaf soo kala dhaxgalay

$
0
0

Waxaa Maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia shirkii hanaanka doorashooyinka ee dalka.

Shirkaan oo ay ka qeeybgalayaan Madaxda Maamulk Goboleedyada dalka iyo madaxda sare ee dalka ayaa looga hadlayaa doorashada dalka ka dhaceeysa.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan saakay heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan  in madaxda Soomaalida uu qilaafaad soo kala dhaxgalay.

Qilaafkaan ayaa salka ku haya dib u dhac ku yimaada doorashada dalka ka dhaceeysa bisha soo socoto ee sanadkaan 2016-ka.

Qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa ka soo horjeeystay dib u dhac ku yimaada doorashada dalka ka dhaceeysa waxaana ay ku doodayana in doorashada waqtigeedii ay ku dhacdo.

Dhamaan bulshada Soomaaliyeed oo ku sugan Gudaha dalka iyo Dibadiisa ayaa ka war dhoowraya natiijada ka soo bixi karta Shirka Madaxda Soomaalida ah uga soconaya Magaalada Muqdisho.

Wararka Qaar oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in laga yaabo in madaxda Soomaalida ay isku afgartaan in dib loo dhigo xiliga doorashada ay ka dhaceeyso Dalka.

Galinka dambe ee Galabta ayaa shirkaan lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo oo laga soo saaro qodobada la isku afgartay.

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho

 

The post Madaxda Soomaalida oo laga yaabo in ay isku Afgartaan in Doorashada Dib loo dhigo iyo qilaaf soo kala dhaxgalay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>