Bosaso:- Markab sida deeq raashin ah oo ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga lana soo marsiiyey Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kusoo xirtay Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Deeqdaan Raashinka ah oo isugu jirta Bur iyo sonkor ayaa gaaraysa 3500 oo tan waxayna ugu deeqday dowladda Turkey Puntland,Galmudug,Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, Taasoo loogu talo galay in lagu saacido dadka baahan, dadka ku barakacay dalka gudihiisa iyo Qaxootiga ka yimid dalka Yemen.
Wasiirka Dekaddaha Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdulaahi Jaamac Saalax oo warbaahinta uga waramay deeqdan gargaarka ayaa sheegay inay wali socoto dajinta markabka, ayna soconayso mudo 28 saacadooda ah.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf maxamed Wacays (Dhedo) ayaa sheegay in deeqday sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi doono qaybinteeda si loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee u baahan.
Abshir Xaaji Abdulaahi
Email:- Abshirdhiirane@gmail.com
PUNTLANDPOST.COM
The post Markab sida deeq oo kusoo xirtey Dekeda Bosaso appeared first on Puntland Post.