Askari ka tirsan ciidamadda nabad-ilaalinta AMISOM ayaa lagu xakumay hal sano oo xarig ah iyo dhimis darajo, wuxuuna ka mid ahaa askarigan 18 ka tirsan ciidanka AMISOM oo la soo taagay maxkamada, kuwaas oo lagu soo eedeeyay inay ku gadeen suuqa madow qalab militari iyo shidaal.
Xukunkan ayaa ah mid muhiim ah maadama ay tahay markii ugu horaysay oo askari nabad- ilaalin ah maxkamad loo soo taago dambiyo la xiriira gadista saanad militari iyo shidaal taasoo ah caado ku baahsan AMISOM iyo askarta dowlada federaalka Soomaaliya.
Saxaafada ayaa lagu casumay inay ka soo qaybgalaan dhegaysiga dacwadan oo xiiso gaar ah lahayd. Maxkamadaynta 17 askari oo kale ayaa dib loo dhigay.
Bishii June, ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xiray shan askari oo Uganda u dhashay iyo toban qof oo rayid ah, kuwaas oo suuqa madow ka macaashayay.
Waxaa lagu qabtay geyrash lagu sameeyo baabuurta iyagoo haysta qaxiyayaal, shidaal, caro jawaano ku jirtaY iyo sanduuqa rasaasta oo maran.
PUNTLANDPOST.COM
The post Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo la xukumay appeared first on Puntland Post.