Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Khaatumo oo wada hadal la furtay Somaliland

$
0
0

Khaatumo ayaa xaqiijisay wada hadal ay la fureyso Somaliland, waxaana gaarey degmada Caynaba ee Gobolka Sool wafti ka socda maamulka Cali Khaliif Galeyr , oo la filayo inay halkaas kula kulmaan xubno ka socda maamulka Somaliland .

Wasiirka  Warfaafinta Khaatumo ayaa xaqiijiyey waftiga ka socda maamulkiisa oo tagay magaalada Caynaba , wuxuuna sabab uga dhigay  inay ka danbeyso ka dib go,aan Khaatumo isla qaadatay.

Waftiga Maamulka Cali Khaliif Galayr uga qeyb galaya wada hadalka Somaliland ayuu ku sheegey tiradooda  6 xubnood oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Khaatumo .

Akhriso magacyada xubnaha Khaatumo uga qeyb galaya wada hadalka Somaliland

  1. Wasiirka Aminiga Khaatumo Kayse Abdi Yuusuf
  2. Wasiirka Arimaha Dibada Maxamuud Ismail Shabac
  3. Ex Wasiirkii Hore Khatumo Yaasiin Axmed Sulub
  4. Ex Xildhibaan SSC Hore Xariir Awcali
  5. Qurba-joog Bashiir Mahdi
  6. Xubin Caaqil Axmed Xasan X Cumar

Daawo Wasiirka Warfaafinta Khaatumo.

Dhinaca kale Wasiirka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac ayaa todobaadkii hore sheegey wada hadal maamulka Somaliland la furayo Khaatumo, Ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Adis Ababa  ee dalka Ethiopia masuuliyiin ka tirsan labada dhinac .

Daawo Wasiirka Biyaha Somaliland

Wali kama hadlin Cali Khaliif Galayr oo hogaamiye u ah maamulkan Islamarkaana ku sugan magaalada Buuhoodle oo ah halka ay ka tageen waftiga Khaatumo ula furaya wada hadalka Somaliland.

Abshir Haaji Abdulaahi

Email:- Abshirdhiirane@gmail.com

PUNTLANDPOST.COM

The post Khaatumo oo wada hadal la furtay Somaliland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>