SHiikh SHariif Axmed, madax-weyne ayuu noqday, barlamaan 275 xubnood ka kooban oo isaga keliya loo aqoonsanyahay baa la samaysmay, guddoomiye SHiikh Aadan Madoobe, wixii dhacayay wuu arkayay, wuu garanayay, wuxuu jeclaa in Soomaaliya doorashada madax-weynaha ka dhacdo, wuxuu jeclaa xaruntii wazaaraddii hore ee beeraha kaydka u ahayd ee ADC-da Baydhabo ee barlamaanku deggennaa inay doorashada ka dhacdo laakiin waxaa is hor taagay Axmed Walad Cabdallah, bal hadda adigu is weyddii dowladdii dhamayd baa magaallada degganayd, in xoogaa ah buu barlamaanku ku shaqyniyay, oo xataa waxa ugu dambeeyay in SHiikh Adan Madoobe Af-Hayeenkii isaga laf ahaantiisa lagu soo doortay, guddoomiyihii hore ee SHariif Xasan SHiikh Aadan isagana xilkii looga qaaday, marka maxaa diidayay in madax-weynaha lagu doorto?
SHiikh Aadan-Madoobe, iyo iyo xil-dhibaannada labadaba waxaa si toos ah ay talada uga qaadanayeen ciidamo Itoobiyaan ahaa oo sal-dhig ka samaystay gigadii diyaaradaha ee ciidankii cirka Soomaaliyeed wixii ka horeeyay 1991kii, waxayna xil-dhibaannadu arkayeen xubno badan oo iyaga ka mid ah oo la laayay, kuwaasoo run ahaantii ay ku tuhmayeen in ciidammada Sir-doonka ee Itoobiya ee magaallada joogay ay shir qooleen ama gacmo kale u adeegsadeen dilkooda oo aysan cidna ka hadlin kolay ku tahay xil-dhibaannadii ay saaxiibbada ahaayeen, sidaa aawadeed la yaab ma ahayn in xubnaha labada gole ee dowladda ku jira ay u hoggaansamaan awaamirta askarta loo Itoobiyaanka ah…. Waxaa waliba arrin aan la qarinayn ahayd oo xubnaha dowladda ee ku sugnaa waqtigaas magaallada Baydhabo ay isku bajin jireen ciidanka Itobiyaanka ee magaallada jooga.
Cilladaha ku tusaya in tallada dalka ay gacan kale ku jirtay waxaa ka mid ahaa in Xil-DHibaannada mar kasta loo keenayay murashaxiin aysan garanayn, aysan waligood arag, aysan fikrad ka haysan waxay yihiin, hadana ay dooranayeen. Waa run in lacago lagu bixinayay ololaha doorashooyinka, hasa yeeshee wax kasta lacag ma aha, waxaa dad badan rumaysanyihiin intii dalka la yimid in Sir-doonnada dalalka shisheeyaha ah awoodda ay adeegsanayaan ay kor u kacday marka la garab dhigo xilligii Nairobi iyo Mbagathi lagu sugnaa, waxaana markii gudaha dalka la soo galay aad u yimid oo dalka ku soo batay Soomaali u adeegta dalal kale sir-doonadooda, sidaa daraadeed xubnaha xil-dhibaannada waxay mar walba qabeen ama tuhunsanaayeen in ammaankooda uu khatar ku jiro, wax badan oo ay oggolaadeen ama diideenna waxaa ku qasbayay ammaan darrida ay dareemayeen.
Ciidammadii AMISOM ee laysku ogaa inay sugaan amaanka golayaasha dowladda iyo xafiisyadooda, shaqadaas ma aysan hayn, maalmihii u horeysay waxaa la moodayay inay sidaas ku shaqayniyaan laakiin arrintu sidaas way ka duwanayd. Sida run ahaantii ah, Uganda iyo Kenya asal ahaan arrintoodu waa iska cadayd, Uganda in dowladda la dhisay daraadeed ay dagaal u gasho markii u horeysay waa ay qabtay, laakiin arrin oo dhan waxay is bedeshay markii uu Maraykanka adeegsaday Qabqablayaashii Muqdisho, oo markii laga adkaaday uu ku bedeshay ciidmmada Itoobiya, wixii markaas ka dambeeyay ciidammadii la sheegay waxay noqdeen kuwo u adeegaya dano aan la garanayn…… dano ay leeyihiin Maraykan iyo Midowga Yurub.
Maalmihii u horeeyay ee ay ciidammadaan dalka soo galeen waxa ay galeen dagaal guud oo meel kasta oo lagu tuhmayay inay koox hubaysan joogto magaallada Muqdisho dagaal bay ku qaadeen, taasi macnaheeda waxaa weeye in meelihii halbowlayaasha ahaa ay ka saareen kooxahaas, ka dibna waxa ay sal-dhigyo iyo baro ay ka ilaaliyaan ka samaysteen meelaha ay degeen waddammada shisheeyaha ah, markii ay fahmeen xaaladda guud ee dablayda hubaysan waxay isku soo koobeen meelaha muhiimka u ah Maraykanka, Midowga Yurub, iyo guud ahaan dalalka shisheeyaha ah, meelahaas iyaga ayeey xataa ka ilaaliyaan ama u diidaan inay soo galaan madaxda Soomaalid ah. Marka aad fiifirsidMuqdisho oo kleiya waxaad arkaysaa in xarumihii dowladda lagu laynayo xubnihii golayaasha dowladda ku jiray, AMISOM waxay arrintooda u egtahay inay ilaaliyaan dadkii soo kiraystay ama mushaarka siinayay…..Dableey ma raadsadaan, meelihii ay degeen horay ugama dhaqaaqaan,meelo cusub dableyda kama kiciyaan…..Waxaa intaas dheer oo iyadana aan la sheegin in arrimo badan ay dowladda dhexdeeda ka fuliyaan…..
Waziirradii, Qabqablayaashii Muqdisho baan soo aragnay, iyagoo waziiro ah hadana dowlad kale mushaarka qaadanaya, annagoo la yaaban, baa hadana waxaa madax-weyne laynooga dhigay ninkii madaxda u ahaa raggii in la gagaalaan mushaarka lagu siinayay, mid way fiicnaan lahayd mase dhicin in xil-dhibaannadii Baydhabo ka tegay ay diidaan in 275 kale lagu soo daro, mararka qaarkood waxyaabo badan oo ay qaban kari lahaayeen xil-dhibaannada waxaa ka hor joogsaday waayo aragnim yaraan badan iyo walwal ay ka qabeen ammaankooda….
Intii uu shirka ka socday Mbagathi waxaa ina soo maray dad badan oo xilal doon ahaa oo ka yimid dalalka reer galbeedka oo iyagii is wada tilmaamaya….oo iyagii uu midba kan kale ku sheegayo inuu dal basaas u yahay hasa ahaatee markii aan horay u socon lahayn, baa waziirradii dowladda waxay noqdeen basaasiin mushaar ka qaata dalalka shisheeyaha ah, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde). Marka aad fiiriso dabeecaddii iyo qaabka uu madax-weynihii ula dhaqmay mays oranaysaa wax buu ogaa? Ma is leedahay kaalintii Qabqablayaashii Muqdisho isagaa galay oo intii dhinnayd oo ahayd in Marykanka uu dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay ku bedelo mid ay isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Axmed Walad Cabdallah ay Djibouti ku soo dhiseen, buu Nuur-Cadde dhamays tiray?!…
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LX) 60aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan. appeared first on Puntland Post.