Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo Sheegay in Dib loo digay Waqtiga doorashada Dalka ay ka dhici laheyd

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo Magaalada Muqdisho uga qeeybgalaya Shirka Hanaanka Doorashooyinka Dalka ayaa sheegay in la isku Afgartay in doorashda Dalka Sanadkaan ka dhaceeysa dib loo dhigo.

Madaxweyne C/wali oo wareeysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Ayaa sheegay in si hordhac ah ay hadda madaxda Soomaalidu ay isku Afgarteen in muddo ku dhow 2 Bilood doorashada dib loo dhigo.

Waxa uu Madaxweyne Gaas Sheegay in hadda aan si rasmi ah loo saxiixin heshiiskaasi hayeeshee madaxdu ay isku afgarteen sida uu sheegay in doorashada dib loo dhigo.

Waxaa lagu wadaa in madaxda soomaalida ay si rasmi ah heshiiskaasi u saxiixaan kaasi oo ah in muddo 2 bilood ah dib loo dhigo doorashada dalka ka dhaceeysa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo Shirka madaxda Afrika uga qeeybgalaya Itoobiya ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabto lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka madasha wadatashiga oo ay madaxdana saxiixaan.

Hoos ka dhageeyso Codka Madaxweynaha

The post Madaxweynaha Puntland oo Sheegay in Dib loo digay Waqtiga doorashada Dalka ay ka dhici laheyd appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>