Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Al-shabaab oo Madaafiic Qasaare Geeystay ku Garaacay Magaalada Baydhabo

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ayaa waxa ay Sheegayaan in halkaasi Kooxda Al-Shabaab Ay ku Garaaceen Madaafiic Qasaare geeysatay.

Madaafiicda ayaa ku hoobaneeysay Qaar kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo oo ay daganyihiin Dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay madaafiicdaasi Ayaa waxaa ku geeriyoday 1 ruux oo rayid ah ku dhowaad 7 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida Goobjoogayaal ay u sheegeen warbaahinta Puntland post.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in u jeedka madaafiicdaan ay aheyd Garoonka Magaalada Baydhabo oo ay fariisin u tahay ciidamada Itoobiya ee qeeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia.

Maamulka koonfur Galbeed ilaa iyo iminka kama hadlin madaafiicdaan lagu garaacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Xafiiska Puntland Post Muqdisho

The post Al-shabaab oo Madaafiic Qasaare Geeystay ku Garaacay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>