Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXI) 61aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Kalluun
Intii uu socday Khilaafkii ra’iisal wazaar Nuur-Cadde iyo Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa jiray dad badan oo ka mid ahaa labada gole ee dowladda oo jeclaa inay dowladda ka gudubto khilaafaadka u diiday inay horay u talaabsato oo dhex galay madax-weynaha iyo ra’iisal wazaare Nuur-Cadde, hasa yeeshee isaga haray markii uu dhowr jeer is bedelay oo wixii lagu heshiiyay uu ka baxay Nuur-Cadde, xubno ka mid ahaa raggii arrintaas dhex galay ayaa tuhumayay inaysan arrintu ka marnayn faro gelin shisheeye, waxay sidaasoo kale tuhmayeen rag aad dowladda uga soo hor jeeday oo sal-dhigoodu ahaa magaallada Muqdisho, iyagoo waliba raggaas ku ammaanay in madax-weyne Cabdullaahi Yuusf uu ka yeelay waxyaabo badan oo ay ka codsadeen inuu ka tanaazulo.

 

Waxay dad badan rumaysnaayeen in dowladdii lagu soo dhisay Mbagathi ay ku burburtay khilaafaad madaxdeeda ka dhex  jiray, laakiin xaqiqdu taas ma aha aad bayana uga duwanayd,  marka hore mid waa in maanka lagu hayaa, oo waxay tahay in dabeecadda siyaasadeed ee dal sida Soomaaliya oo kale burburku aafeeyay dhinac kasta, haddii ay tahay;  siyaasad, dhaqan, dhaqaale,  oo waliba ay dhibaatadu taabatay qayb kasta oo ka mid ah nolosha mujtamaca, in wax badan lagu kala aragti duwanaanayo waa wax iska cad, laakiin waxaan shaki ku jirin in arrimuhu ay uga sii dareen faro gelintii dalalka sheiheeyaha, iyo Nuur-Cadde oo markii ay Maraykanka isaga taageereen aan fahmin wax ka badan in madax-weynaha loo dan leeyahay oo la ridayo, waxaana arrin lama filaana ahayd inuu isu soo sharaxy xilkii madax-weynenimmada Soomaaliya markii uu riday dowladdii uu isaga ra’iisal wazaaraha ka ahaa qorshe la’aan, waayo sida dad badn rumaysan yihiin Nuur-Cadde ama damac baa la geliyay waxaa laga dhaadhiciyay in isaga lagu bedelayo madax-weynaha, ama wuxuuba iska rumaysnaa in dowladaha shisheeyaha ah ay isaga keenayaan oo madax-weyne ka dhigayaan,  waliba caqliga siyaasiyiinta waqtigaas joogay baa sidaas u badnaa oo in badan oo ka mid ahaa raggii  siyaasadda soo galay buu caqligaas ku jiray oo rabay inay jagada madax-weynenimmada Soomaaliya ku gaaran inay basaas dal shisheeye u noqdaan.

 

 

Doorashadii SHiikh SHariif Axmed, waxay ahayd bilowgii is-bedelkii ku dhacay natiijaddii shirkii Mbagathi, waxaana si bareer ah oo cad u soo baxay in dowladihii Afrikaanka ahaa ee intii uu shirkaas socday ballan qaaday inay dowladda dhismanaysa garab istaagayaan ay taageeraan nidaam dowladeed oo ku talo galka aad moodo inuu yahay si Soomaaliya ay uga dhaqan gasho dowlad aan macno lahayn oo ay maamulaan dalalka deriska ah siiba Itoobiya iyo Djibouti oo iyadu ciyaaraysay siyaasad mindi laba af leh ah, waxayna dowlad kasta ay ku dadaashay inay ciidammada ugu badan ee ay awoodo Soomaaliya u soo dirto,  iyadoo sida xogtii u horeysay ee soo baxday lagu sheegay ay ahayd in halkii askari ee ka mid ah ciidammadaas bishii mushaar loo siiyo lacag gaaraysa 1050 dollarka Maraykanka ah.

 

SHiikh SHariif Axmed, markii uu talada dalka qabtay waxaa markiiba ka muuqday inuu u dhaqmayo sidii nin abaal la gashtay oo inta khatar laga baxshay, madax-weyne laga dhigay, ama markiisii horaba ahaa nin shaqaale ahaa, waxaana tuhunka arrintaas sii xoojinaya in la diiday in doorashadii madax-weynaha ay ka dhacdo dalka gudihiisa iyadoo waqtigaas wax yar ka hor Adan-Madoobe loogu doortay guddoomiyihii barlamanka taasoo muujinaysay in doorashada madax-weynahana halkaa in lagu qabto ay suuro gal ahayd, laakiin sababo loo diiday…iyo waliba in 275 xil-dhibaan oo aan sharci ahayn loo keenay si ay isaga ugu codeeyaan…..

 

DHaqanka habka loo soo diyaariyay ciidammada AMISOM inay u shaqeeyaan oo ah mid ka duwan sidii dowladihii Afrikaanka ahaa ee shirkaas ka qayb qaatay laga sugayay oo ahaa in awoodda dowladda la gaarsiiyo dalka oo dhan wuxuu isu bedelay in xarumo badan oo dowlado shisheeye ah ay meel kasta oo dalka ka mid ah ka furmaan ciidammadaasna ay ilaaliyaan. Waxaa iyadana bilowday in dalalkii deriska ahaa mid kasta la tusay dano gaar ah oo ay ku gaari karto Soomaaliya oo sidaas u tag daran, waxaan ugu darnayd in dowladda Norway ay biyhii Soomaaliya u cabbirtay dalka Kenya sidii dhul hadda la helay……waxaas oo dhanna waxay ku yimaadeen qaabka loo bedelay hawlaha ay ciidammada AMISOM ka hayaan Soomaaliya.

 

Joogitaankii AMISOM waxay hadda xaqiiqda danaha ay dalka u joogaan ay u egtahay ama u muuqataa wax ka duwan taageeradii ay sheegeen inay siinayaan dadka Soomaaliyeed oo ahayd inay ammaanka sugayaan si dowladdu u noqoto mid taabo gal ah, in ciidammadii Soomaaliyeed dib ay u dhisi doonaan si ay hantaan ammaanka dalka, inay taba-bar siinayaan golayaasha dowladda, iyo guud ahaan shaqaalaha ay dowladda yaleenayso gaar ahaan madaxda faracyada iyo waaxaha ay wazaaradaha dowladda yeelanayaan……Awalba taageeray ahayd waxa laynoo sheegay, hadday nimankii taageeradoodii la noqdeen…..Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!

Beri la soco….

PUNTLAND POST

 

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXI) 61aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>