Maamulka gobolka Bari iyo Kan Dekedda Bosaso ayaa si guul ah u dajiyay markabkii mucaawinada ahaa ee Turkigu ugu deeqday Puntland, Galmudug iyo Hiiraan Islamarkaana dejintiisu qaadatey muddo 48 saacadood ah oo loo hakiyey dhamaan shaqadii ka socotay dekedda Bosaso,
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa sheegay in si guul ah loo dajiyay Markabka, isla markaana raashinkii loo waday Galmudug iyo Hiiraan uu soo amba baxay.
Waxa uu intaas ku daray Dhedo in 41 gaari oo xamuul ah oo ay ilaalo ka yihiiin ciidanka Puntland ka ka xeeyeen gadiidkan xamuulka magaalada Bosaso.
Waxa uu sheegey inuu dhan yahay raashinka loo wado Galmudug 24 kun oo kiish, halka Hiiraanna loo wado 600 oo tan.
Abshir Dhiirane
PUNTLANDPOST.COM
The post Puntland oo Bosaso kasoo Amba bixisay Baabuur Xamuula appeared first on Puntland Post.