Waxaa kale oo Matt Bryden in badan dadka yaqaana ay ku tilmaameen inuu ahaa nin musuqmqqasuq aad u yaqaana isl markaasna dhiirri geliya, waxaa kaloo lagu eedeeyay in saraakiisha hoose ee dowladda u shaqeeya uu isku dayi jiray inuu laaluusho si uu uga helo xog, waxaana uu marar badan xog ahaan u isticmaalay warar badan oo lagula sheekaystay oo aan rasmi ahayn, waxaa iyadana ay ku tilmaameen inuu ahaa nin iskii u shaqaysta aadna ugu dadaalay in awooddiisa sarkaal QM u shaqeeya uu adeegsado inuu la kala safto siyaasiyinta iska soo horjeeday dan kastaba ha ka lahaadee….
Arrinka yaabka lahaa oo xilligii madax-weyne SHiikh SHariif Axmed dhacay wuxuu ahaa in sanadkii 2010kii bishii May 25keedii uu barlamankii 550 ka ahaa mar kale Af-=hayeenkii Barlamanka u doorteen SHariif Xasan SHiikh Aadan, oo maxay tahay sababtu?!….sababtu waxay ahayd middii markii horaba lagu doortay markii uu joogay Mbagathi, waxaa u ololeeyay ganacsatdii Suuqa Bakaaraha, waxay ahayd nasiib daro weyn, waxayna ahayd astaan muujinaysay tayada barlamanka, waxay ahyad rajo xumo, waxay ahayd, tilamaan si cad looga dheehan karo inaan qofka lgu qiimayn wixii taariikh uu leeyahay, markii ay taas dhacday oo ay doorteen SHiikh SHariif keliya keliya taas waxay fasiraad u ahayd nooca xil-dhibaannada iyo waliba inaysan aqrin wixii la soo maray ama aysan tirada ugu jirin in la xisaabtamo, waayo SHariif Xasan SHiikh Aadan waa la ogaa siduu ul dhaqmay dowladdi ka horeysay taas iyo golihii xukuumaddii…..
SHariif Xasan haddii uu soo noqday waxa la filayay is qabqabsi iyo muran weyn oo dowladda kala qaybiya, waxaana dib u soo noolaaday naanaysihii ay dad-weynaha ugu yeeri jireen, waxaana la sugayay in xil-dhibaannadu is garaacaan oo kala guuraan, hasa ahaatee middaas ma ahayn arrin dhici karta oo waxaa dowladda u hiilayay in magaalladii Muqdisho ay dowladdii deggentahay, in Qabqablayaashii Muqdisho aysan hubaysnayn oo laga adkaaday, in xubnaha barlamanka 550 ahna uu kala bar la yimid SHiikh SHariif madax-weynaha, marka wax kasta oo ay isku dayi lahaayeen SHariif Xasan iyo Qabqablayaashii Muqdisho ma samayn karin macne weyn oo la mid ah dhibaatadii ay ku hayeen dowladdii lagu soo dhisay Mbagathi….
Madax-weyne SHiikh SHariif SHiikh Axmed, dhibaato kasta oo uu kala kulmi lahaa SHariif Xasan SHiikh waxay la soo dhammaatay jabkii ku dhacay Qabqablayaashii Muqdisho ee uu markii horaba ka tirsanaa markii ay la dagaalayeen dowladdii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi ay gar-wadeenka ka ahaayeen….arrintaas waxay ahayd fursad wanaagsan oo dowladdii SHiikh SHariif ay heshay oo ay kaga duwanayd dowladdii ka horeysay. SHiikh SHariif waxaa waayo aragnimo la’aant ka sokow waxaa la oran karaa in xukuumadihii iyo ra’iisal wazaarayaashii soo maray ay dhammaan is af-garan waayeen, waxaana inta badan dadka dhaliilaya ay ku sheegaan inuusan ahayn nin madax banaanaa, waxaana lagu tuhmayay inuu nin leh la taliyeyaal faro badan, oo uu ku jiray nin Faransiis ah oo sida lagu sheegay ahaa la taliyihiisa khaaska ahaa…..
Waa marka hore SHiikh SHariif, waxaa halkaas meel loogaga dhacay xeerkii iyo cahdigii ku-meel gaarka ahaa, oo si cad uga soo hor jeeday inay dad aan Soomaaliya u dhalan oo shisheeye ah ay arrimaha siyaasadeed ee dalka ama dibad ha ahaato ama gudo ha ahaato ay soo faro geliyaan, waxay kaloo marqaati u noqotay in SHiikh SHariif tuhunkii laga qabay oo ahaa inuu noqday nin buuxiyay kaalin dad loo waayay…..bal hadda ka waran xil-dhibaannada tirade aad aragtay lahaa mar qur ah wax kama aysan weydiin xiriirkii uu la lahaa Sir-doonkii Maraykanka sabab kastaba ha ugu wacnaatee, lama weydiin inuu dhammaaday xiriirkaas iyo in kale, xataa lama weydiin xiriirka iyo qaabka uu la taliyaha ugu yahay nin Faransiiska ah iyo waxa uu kala taliyo……
Waxaa iyadana qaynuun daro ahayd oo uu madax-weyne SHiikh SHariif iyo rag kale oo aan xil-kas ahayn oo ka mid ahaa golihii waziirradii dowladda ay mashruuc weyn oo xero lagu taba-baro Ciidammada Badda Soomaaliyeed oo ay ahayd in laga furo Puntland u wareejiyeen dalka Djibouti, oo haddii loo diiday Puntland maxaa dalka looga saaray?!……. madax-weyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxyaabo badan oo ay dad badan oo Soomaali ah ku dhaliilaan baa waxaa ka mid ah inuusan dadka Soomaaliyeed ula dhaqmin sidii inay yihiin dadkiisii, waxaana marar badan la dareemi karayay inuusan waxba uga sokeyn Soomaaliya dalalkii kale ee deriska ahaa.
Xil-DHibaannadii ugu tirada badnaa abid ee soo maray dalka Soomaaliya waxay ahaayeen kuwii xilligii SHiikh SHariif, laakiin tiradoodaas waxba kama bedelin tayo xumidii iyo ceebihii mar kasta lagu tuhmayay xil-dhibaannada golihii shacabka, waayo marka mashaariic dalku leeyahay laga saarayo iyagay ahayd inay joojiyaan, waxaa iyagana eedda wax ku leh siyaasi kasta oo Soomaaliyeed, mid dowladda ka soo hor jeeday iyo mid ka mid ahaaba!… Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXIII) 63aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.