Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha dawladda Puntland oo Muqdisho kulamo kula qaatay Safiirada Turkiga iyo Ingiriiska

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhim ah u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta 06 August, 2016 Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho  kulan kula qaatay danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador  Olgan Bakar.

Kulanka  ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada  Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf iyo saraakiil Katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, iyadoona kulanka diiradda lagu saaray arrimo la xiriira marxaladda cusub ee uu ku jiro Dalka Soomaaliya iyo mashaariicda ay dawladda Turkigu ka fuliso Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa  waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen Mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Turkigu ka wado Dalka Soomaaliya iyo sidii Puntland loo gaarsiin Lahaa qaybteeda Maadaama Puntland ay tahay qayb weyn oo Soomaaliya ka mid ah, sidoo kale Madaxweyunuhu waxa uu kala hadlay danjiraha sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ay safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kusimaha danjiraha dawladda Ingiriiska u fadhiya Dalka Soomaaliya Andrew Allen.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ay dawladda Ingiriisku kaalmo uga geysan lahayd baaraha ka jira Puntland, kuwaas oo sii xoogaysanaya Maadaama ay jiraan gobollo ka mid ah Puntland oo aan helin gugii iyo dayrtii midna.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa muddadii uu joogey Muqdishowaxa uu kulamo kala duwan la qaatay qaybo ka mid ah safaaradaha dawladaha caalamka ee xarumaha ku leh magaalada muqdisho, waxaan uu kala hadlay sidii ay mashaariicda ay somaaliya ka hirgeliyaan ay Puntland qaybteeda si toos ah u gaarsiin lahaayeen iyo sidii qayb uga qaadan lahaayeen abaaraha ka jira Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA,HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_3125 IMG_3125 IMG_3126 IMG_3130 IMG_3133 IMG_3144 IMG_3150 IMG_3155 IMG_3157 IMG_3159 IMG_3185 IMG_3188 IMG_3191 IMG_3192 IMG_3195 IMG_3204 IMG_3217

The post Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha dawladda Puntland oo Muqdisho kulamo kula qaatay Safiirada Turkiga iyo Ingiriiska appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>