Kismaayo: (pp)- Odayasha shaqanka deegaanka Jubbooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay guddaha magaalada Kismaayo ayaa dowlada Federeaalka ee Soomaaliya ugu baaqay inay ka soo qayb galaan shirka maamulka loogu dhisayo deegaanka Jubbooyinka.
Dhegeyso: Odayaasha dhaqanka Kismaayo
Odayaasha ayaa ugu baaqay dowlada inay tixgeliyaan qodobka dastuuriga ah ee 53-aad ee ku xusan Charterka federaalka , kaas oo ay Xaq u siinaya inay Xaq u leeyihiin inay dhistaan maamul u samaynta deegaanka Jubbooyinka.
Odayaasha ayaa sheegay in Oday dhaqameedka, waxgaradka , iyo beelaha wada dega deegaanka Jubbooyinka ay isku raacsan yihiin dhisida maamul federaal ah oo laga dhiso deegaanada Jubbooyinka, iyagoo dhanka kale sheegay inay taageersan yihiin dowlada Federaalka ee Soomaaliya , dowldana looga baahan yahay inay tageerto dhismaha maamulka Jubbooyinka.
Odayaasha ayaa ugu baaqay Jaaliyadaha dibada inay taageeraan Maamulka Jubbooyinka , loogana fadhiyo Cod & dhaqaale inay kusoo taageeraan.
Sikastaba, waa markii ugu horaysay Oday dhaqameedka Jubbooyinku ay Cod buuxa oo ay ku midaysan yihiin ugu baaqaan dowlada inay xushmeeyaan oo ay ka soo qayb galaan shirka, iyagoo dhanka kale ku hanjabay haddii la xushmayn waayo inay iyagana aysan xushmayn doonin masuuliyiinta DF ee Soomaaliya.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland