Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Wakiilada Guddiga Doorashooyinka Puntland ee qaar kamid ah Gobalada oo maanta la dhaariyey(Cod+Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland gaar’ahaan Hoolka Shirarka ee Hotel Rugsan lagu soo gabagabeeyey Tababar maalmihii u dambeeyey Magaalada Garoowe uga socdey qaar kamid ah wakiilada Guddiga Doorashooyinka Puntland ee Gobalada Gaar’ahaan Gobalada Bari,Karkaar,Sanaag iyo Haylaan waxaana maanta ugu dambayn lagu dhaariyey 70-kamid ah wakiiladaasi goob ay fadhiyeen Masuuliyiin katirsan Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Dhegeyso: Codka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka 

shim1

shim6

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Dr Maxamed Xasan Barre ayaa si weyn ula dardaarmay wakiiladan wuxuuna sheegay inay masuuliyad isa saaraan muujiyaana inay kaga dhabeeyaan dhaarta ay mareen, wuxuu ugu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan arimaha ururada Siyaasada aysana dhicin inay urur gaar ah u xagliyaan , waxa uu sheegay inay qayb ka noqonayaan Isbadelka ka hana qaaday Puntland oo lugaha la gashay wakhti taariikhi ah.

shim3

shim2

Xubnahan la dhaariyey ayaa iyagana waxaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad aad u saraysa iyagoo dareen wanaagsan kusoo dhaweeyey inay noqdaan wakiilada Guddiga Doorashooyinka ee Gobaladooda, waxaana la filaayaa in maalinta Sabtida ah tababar loo furo wakiilada Gobalada Nugaal,Mudug,Sool iyo Cayn.

shim7

shim4

Degaanada Puntland ayaa siweyn looga dareemayaa dardarta hanaanka xisbiyada badan, Waxayna arimahan oo dhan kusoo biyo shubanayaan xili ay wakhti kooban ka hartay xiligii la sheegay inay dhacay Doorashada Golayaasha degaanada ee degmooyinka Puntland.

shim5

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>