Wasaarrada Deegaanka Puntland ayaa Maanta heshiis ku saabsan la qabsiga Isbadalka Cimadala la saxiixatay Hay’adda UNDP oo ka tirsan Qarmada Midoobay Ka dib wajigii labaad saxiixa heshiiskan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Deegaanka,Duurjoogta iyo Dal-xiiska Puntland ee Garowe.
Mashruucii hore Puntland waxay uga faa,iidaysatay samaynta Biyo Xireeno,Dhul beeris,noolayn deegan iyo Iskaashatootin Hormarin ku sameeya Deegaanada,iyadoona Taakulayn ugu samaysa abuurka beera,kuwaaso ay ka faa,iidaysteen dad badani oo beeralay ah.
Agaasimaha Guud Wasaaradda Deegaanka Puntland Muna Daahir Dalmar ayaa sheegtay inay Mashruucan labaad uga faa,iidaysanayaan Barnaamijyo Horminta Deegaanka ah iyo isbadalka Cimilada oo u diyaarsan Wasaarada Deegaanka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka Puntland Faarax Cali Cabdi oo saxiixay heshiis ay Puntland la gashay UNDP ayaa sheegay in ku farxsan yihiin sida wanaagsan ee UNDP ula shaqayso Wasaaradda Deegaanka Puntland,wuxuuna madasha ka aqriyay Waxqabadkii Mashruucii hore.
Ugu Danabaytii Wakiilka Puntland UNDP Sayid shahibzada ayaa guul ku timaamay sidii mashruucii hore ay Puntland uga faa,iidaysteen isagaana ka waramay Mashruucan Cusub iyo sida ay doonayaan in dadka loga faa,iideeyo.
PUNTLAND POST
The post Puntland iyo UNDP oo kala saxiixday wajiga 2aad Mashruuca Isbedelka Cimilada appeared first on Puntland Post.