Garowe (Puntland post):- Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa wax laga weydiiyay waxa uu ka ogyahay Wada-hadalka Maamulka Somaliland iyo Kooxda uu hogaamiyo Cali khaliif Galeyr, Wuxuuna sheegey Madaxweyne Gaas inaysan wax saamayn ah ku yeelanayn Puntland.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa ku tilmaamay Cali Khaliif Galeyr inuu yahay qof xanuunsan oo uu hayo cudurka jeclaysiiya cidii dhibaateynaysa , Islamarkaana uu ku jeclaaday Somaliland cayr-sashadii badnayd ee ay kula kaceen.
Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafey si weyn loo hadal hayay wada hadalo ka dhex bilowday Somaliland iyo Khaatumo.
Dhagayso Madaxweyne Gaas
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Gaas ” wuu xanuunsan yahay Cali Khaliif Galeyr” appeared first on Puntland Post.