Gaalkacyo (Puntland Post):- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ammaanka deegaanada Galmudug iyo Qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee lagu soo Afmeeray Muqisho.
C/kariin Guuleed ayaa ka horyimid Qodobo ka mid ahaa kuwii ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran islamarkaana waxa uu sheegay in Xubnaha Aqalka Sare Puntland loogu kordhiyay Labo Xubnood, Isagoona intaas ku daray in Galmudug ay diidan tahay Sadbursi ayna ka soo horjeedo.
“Puntland horay waxay Galmudug u dheereyd Saddex Xubnood,Haddana labo kale ayaa loogu daray,Marka Galmudug ma aqbaleyso”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed
Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo beegmaya ka dib markii lagu soo gabo-gabeeyey shalay magaalada Muqdisho shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeybgaleen dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida.
Dhagayso Cabdikariin Guuleed.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Galmudug oo ka hortimid xubno loo kordhiyay Puntland appeared first on Puntland Post.