Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXV) 65aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Mustapha

SHiikh SHariif Axmed, waxaa xilligiisii uu dhammaaday isagoo meeshii uu talada ugu yimid horay wax uga dhaqaajiyay, waxaana lagu tilmaami karaa inuusan abuurin wax colaad ah, ha jiraan khilaaf siyaasadeed iyo in marar badan lagu eedeeyay inuu ka baxay ballamo uu la galay dhinacyada kale ee siyaasadda dalka kaalinta ku lahaa, laakiin SHiikh SHariif Axmed runtii wuxuu la yimid xiriir wada shaqayn ku salaysnaa oo dhex maray isaga iyo dhinacyadii ay kala siyaasadda ahaayeen ee siyaasadda dalka hoggaankeeda hayay, waxaana la oran karaa kala duwanaansho xagga siyaasadda ah ha jirto laakiin wuxuu waqtigiisii dhamaystay iyadoo aad moodo inuu jiro isu soo dhowaansho isla markaasna uu sii yaraanayo farqiga u dhexeeyay dhinacyadaas.

 

Waxaa ayaan darro ah in mar kasta xil-dhibaannada yimaada ay ku dhacaan khaladkii iyo il-duufkii kuwii iyaga ka horeeyay ay ku dhaceen. Waxaad moodaysaa doorashooyinka Soomaaliya ka dhacay intii uu dalka burburka ku jiray ay dadka wax dooranaya oo  mar kasta xil-dhibaano ahaa qof ay dooranayaan inuu ahaa hadba qofka ay aqoonta yaryihiin dadka ay dooranayaan, Af-Hayeenkii SHariif Xasan SHikh markii la dooranayay 2004tii wuxuu ahaa ninka loogu aqoon yaraa marka la garab dhigo raggii la tartamayay. Marka  la leeyahay doorashaa la qabanayaa arrinku sidaas waa ka duwanyahay, bal qof aadan aqoon maxaad ku dooran kartaa,  markii uu dhammaaday xilligii uu SHiikh SHariif Xafiiska joogi lahaa,xil-dhibaannadii codayniyay waxay doorteen Xasan SHiikh Max’ud oo aysan aqoon….arrintu ma aha Bakhtiyo-Nasiib, waxa la kala dooranayana ma aha labo qof ee waa labo siyaasadood ama barnaamij, marka qofka wax dooranayo wuxuu dooranayaa qof uu yaqaan meesha uu wax u wado….

 

Waxaa arrin wanaagsan ahayd in markii laga adkaaday uu SHiikh SHariif SHiikh Axmed  si xarrago leh u wareejiyay xilkii, bishii September10,2012, waxaana saaxaddii siyaasadda ku soo biiray waji cusub oo noqday madax-weynihii Soomaaliya Xasan SHiikh Max’ud oo dad yar oo faro ku tiris ah ku barteen inuu ahaa  madaxa xizbiga lagu magacaabi jiray Nabad Iyo Horumar, maalintaas la doortay Xasan Shiikh Max’ud wuxuu la kulmay soo dhoweyn aad u balaaran oo aan loo kala harin, xil-dhibaannadii doortay intooda badan waxay u haysteen inuu yahay nin meelo badan kaga fiican SHiikh SHariif…..laakiin waxaa  aad loo malayn karaa in mar kasta oo ay doorasho dhacayso musuqmaasuqa uu yahay mid aad u sareeya, qaar xil-dhibaannada ka mid ahna aysan kaaba qaranayn arrintaas….

 

Max’ed Cusmaan Jawaari markii la doortay, Xasan SHiikh Max’ud isna uu ku soo baxay doorashadii madax-weynaha, inta badan dadkii Soomaaliyeed waxaa gashay yididiilo, waxaana la qiyaasiyay ugu yaraan in Jawaari uu yahay nin ruug-caddaa ah siyaasadda dalkana xakamayn doona, Xasan SHiikh Max’ud ayaa isagana dad u badan macalimin ay isla shaqeeyeen ay ku tilmaameen nin dhallin yaro ah oo niyadda ku hayay inuu wax wanaagsan dalkiisa u qabto, hasa ahaatee arrimihii oo dhan waxay is bedeleen markii uu la yimid lix tiir oo sida ay mar dambe u ekaatay ama  loo qaatay uu uga dan lahaa inuu wax ku sharciyeeyo, wuxuuna waqti yar doorashadiisii ka dib bilaabay socdaal uu dalalka Maraykanka iyo Yurub ku maray.

 

Madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud, January 24, 2013, wuxuu convention-ka magaallada Minneapolis ee gobolka Minesota kula hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Marykanka, habeenkaas wuxuu madax-weyne Xasan SHiikh si cad u sheegay ama uu qeexitaan faahfaahsan ka bixiyay waxa ay ku salaysanyihiin lixda qodob ee uu sheegay inay yihiin tiirarka siyaasaddiisa, waxaana dad-weynihii dhegeysanayay hadalkiisa yaab iyo fajac ku noqday in madax-weynihii ula hadalay sidii Qabqablayaashii dagaalka, ninkii hanta laga haysto ma sheegan karo, ninkii hantida ka maqan ka hari waayana uu ka  qadi doono mustaqbalka fiican ee brito imaanaya!….

 

Sidaasoo kale, Madax-weyne Xasan SHiikh inuu si toos ah iyo si dadban uga hor yimaado wax kasta oo heshiis ah oo isaga ka horeeyay, wuxuuna bilaabay isagoo garab ka helay af-hayeenkii cusbaa Max’ed Cuthmaan Jawaari inuu dastuurkii la soo diyaariyay ee qabyada ahaa ay qodobo ka bedelaan. Madax-weyne Xasan ayaa bilihii u horeeyay hadlladiisa waxay u badnaayeen kuwo xiisad kicinaya, heerkoodana aad buu uga hooseeyay magaca la huwiyay ee loo doortay, waxayna hadalladiisii horseedeen in dad-weynuhu dareemaan saan-saan colaadeed oo hor leh, waxaana dagaal af iyo addinba ah la galay maamul gobleedka Jubaland oo markaas dhismihiisu bilow ahaa!….

 

Waxaa isla markiiba si la wada dareemayo dalkii ka bilowday siyaasadda Xasan Shiikh Max’uud, maamulkii Puntland oo markii la dootay ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay isla markaasna intii uu SHiikh SHariif SHiikh Axmed uu madax-weynaha ahaa ay isku soo dhowaanayeen dowladda federal-ka iyo mas’uuliyiinteeda ayaa bilaabay inuu iska ururiyo oo uusan ku degdegin xiriirka dowladda Xasan SHiikh Max’ud…..Tukihii caanaha helay ee qarka kaga istaagay GAAWIHII!……..

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXV) 65aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>