Xoogag taabacsan dowladda Liibiya ayaa sheegaya in ay Daacish kala wareegeen gacan ku haytan Magaalada Sirta ee dalka Libiya, ka dib dagaal dhexmaray labada dhinac.
Dagaalka oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka soo jeeda magaalada deriska la ah ee Misrata ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay gebi ahaanba ay la wareegeen xarunta kooxdaasi iyo sidoo kale cusbitalka ugu weyn magaaladaasi Sirte, balse dagaalyahanno ka tirsan kooxda Daacish ayaa la sheegayaa in ay wali ku sugan yihiin xaafadaha qaar ee magaaladaasi.
Qabsashada googaga taabacsan dowladda Libiya ee Magaalada Sirte ayaa ka danbaysay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka gaystay Saldhigyadii ciidamada Daacish ee dalka Libya.
PUNTLAND POST
The post Daacish oo laga Qabsaday Magaalada Sirta ee Dalka Libiya appeared first on Puntland Post.