Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xildhibaano Baarlamaanka Puntland katirsan oo tagey tuulada Qarxis ee Gobolka Nugaal

$
0
0

Xildhibaano katirsan dowladda Puntland oo kasoo jeeda gobolka Nugaal ayaa maanta gaaray Tuulada Qarxis oo hoostagta degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, , Waxayna sheegeen in socdaalkoodu la xiriiro sidii ay usoo qiimayn lahaayeen xaalada waxbarashada ardayda deegaankaas kadib go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada.

Xidlhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo hogaaminaya waftiga xildhibaanada ee gaaray maanta tuulada Qarxis ayaa sheegey  in  isaga iyo labo xildhibaan oo kale ay halkaas u tageen wada tashiyo looga arrinsanayo sidii xal looga gaari lahaa go,aankii kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Puntland ee ahaa in  Qarxis lagala noqday Aqoonsigii Xarunimo ee Imtixaanka .

Waxa uu intaas ku darey Xildhibaanku ka dib kulanka bulshada deegaanka Qarxis inay  u balansan yihiin sabtida soo socota kulan kale Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, isagoona si buuxda Xildhibaanku rajo uga muujiyey xal ka gaarida go,aankii Wasaaradda.

1 2 3 4 5Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano Baarlamaanka Puntland katirsan oo tagey tuulada Qarxis ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>