Wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ayaa maanta soo gabagabaysay tababar loo qabtay Ingineerada degmooyinka, howlawadeenada Dowladaha hoose Puntland iyo Agimahayaasha waaxaha heer degmo ee wasaarada Howlaha iyo Gadiidka.
Tababarkaan oo ay maalgelinaysay hay’adda ILO ayaa lagu baranayey qaabka dowladdaha Hoose u maarayn lahaayeen qarashaadkooda, fulinta iyo dabagalka mashaariiicda degmooyinka iyo qaabkii loo hirgelin lahaa habka magaalaynta casriga ah, iyadoo laga amba-qaadayo Buuga naqshadaynta Magaalooyinka Puntland.
Eng. Abdulqaadir Abdi Daahir oo ka tirsan Wasaaradda howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Puntland ayaa sheegay tababarkani inuu qeyb ka yahay tababaro xiriir ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfada injineerada Puntland.
Eng Xasan Cabdi Xasan Gooni oo ka mid ah Engineeradii ka faaidaystay ayaa sheegay casharo waxtar leh oo ka caawindoona inay dardar culus ku sameeyaan shaqooyinkooda inay qaateen intii uu socday tababarku.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda howlaha Guud ,Gaadiidka iyo Guryeynta Dowladda Puntland Abduqaadir Sheikh Maxamuud ayaa ku sheegey ujeedada laga leeyahay tababarkan inay tahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka xaga sharciga ah ee yimaada dhulka iyo sidii loo hirgelin lahaa qaabka magaalaynta ee casriga ah.
Waxa uu intaas ku darey Agaasimuhu inay dhawaan magaalooyinka Puntland ku qaban doonaan mashruucyo ku saabsan hirgelinta buuga habaynta magaalooyinka, si dadka reer Puntland loo baro inay la jaanqaadaan hab magaalaynta casriga ah
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Howlaha Guud oo taba-baraysa Injineerada Puntland appeared first on Puntland Post.