Dabkaan oo ahaa mid aad u xoogan islamarkaasina ka dhashay Gaaska Raashinka lagu karsado ayaa ka kacay Goordhow Nawaaxiga Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa Markii hore ka kacay maqaaxi hayeeshee waxa uu ku sii fiday Kaalimo shidaal oo ka agdhowaa halka uu dabka uu ka cay ee wadada Warshadaha Muqdisho.
Halka uu Dabku ka kacay oo Aan Goordhow gaaray ayaa indhaheeygu waxa ay qabanayeen holac iyo uuro is qabsatay.
Dabka ayaa socday Muddo aad u farabadan waxaana markii dambe ku guuleeystay damintiisa Gawaarida dab damiska.
Dadka Qaar oo aan kula kulmay halka uu dabku ka soconayay ayaa ii sheegay in Ruux uu ku dhexgubtay Gudaha maqaaxida halkaasina uu ku dhintay
Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo xoomay halka dabka uu ka kacay waxaana rasaas cirka ugu ridayay oo ku kala erayay ciidamo katirsan kuwo dowlada Somalia.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho
The post Dab khasaare Geystay oo ka kacay Goob Shidaal Muqdisho appeared first on Puntland Post.