Bosaso: (pp)- Xarun ay ka wax ka baran doonaan dadka naafada ah oo loogu magac darey Gurey Educatiom Center ayaa laga furey magaalada Bosaso.
Ilaa 400 oo qof oo isugu jirra dhalinyaro iyo dadka waaweyn ee curyaamiinta ayaa xarunta loogu talo galey inay wax ku bartaan, iyadoona ay maalgalisey hay,add la yiraahdo Nedsom oo ka mid ah hay,addaha samafalka ee Puntland ka howl gala.
Xarunta waxbarashadeeda oo ah mid lacag la,aan ayaa laga bilaabey isdiiwaan galinta ardayda lagu bilaabi doono, iyadoona ardayda ka socota dadka naafada lagu bari doono xirfado kala duwan oo ka bilaameysa waxbarashada asaasiga ah .
Duruusta iyo Maadooyinka lagu bari doono xaruntan dadka naafada ayaa waxaa ka mid ah .
Qorida iyo Akhrinta Af Somaliga,Barashada maadada xisaabta,barashada diinta Islaamka,barashada luuqada English-ka,iyo madooyin kale oo aad u faro badan, iyadoona ay ku jiraan maadooyinka ardayda la bari doono xirfado farsamada gacanta la xiriira sida barashada habka cilaan saarka iyo qurxinta gabdhaha, barashada harqaanka iyo tolida dharka.
Jaamac Ciise Hurun oo ah Gudoomiyaha xaruntan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey inay ka howl gali doonaan xarunta macalimiin rag iyo dumar-ba isugu jira.
Jaamac waxa uu sheegey inay macalimiinta sidoo kale qeyb ka noqon doonaan kuwo Ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Kenya,
Xarunta ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo laga hirgaliyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland , inkastoo magaalooyinka qeybtood sida Garowe ay horey uga furnaayeen xarumo kale oo ay ka mid yihiin xarunta waxbarashada dadka dhagoolayaasha ah.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Boosaaso.