Nayroobi: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu arbacada soo socota Nairobi kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmiya halkaasi ku tagaya.
Mudane Faroole waxa uu sheegey in balanta Madaxweynaha DF uu la leeyahay ay ahaan doonto mid ay kala hadlayaan dhowr qodob oo ugu horeeyaan Dastuurka wax laga bedalay iyada oo aan la isla ogeyn iyo xal u helida arrimaha Jubaland.
“Madaxweynaha dowladda Somalia waxaan ku boorrin doonaa in gacmo-gacmeynta laga daayo dastuurka ummadda Soomaaliyeed u dagsan ee lagu soo doortay dowladda uu madaxweynaha ka yahay,” ayuu yiri Faroole oo Jimcihii lasoo dhaafey la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland waxa uu ugu baaqey DF Somalia inay aqoonsato Maamulka cusub ee Jubaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed (Islaam)kaasi oo ay soo doorteen dadka gobollada Jubooyinka iyo Gedo ku nool.
Dr Faroole waxa uu ku amaaney jaaliyada Puntland ee Kenya ku nool inay yihiin kuwo kaalin weyn ka geystey horumarka deegaanada ay kasoo jeedaan.
Labada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Faroole waxay arbacadii lasoo dhaafey isku arkeen garoonka diyaaradaha ee Jomo Keynyatta ka dib isla maalintaas oo labadu-ba ay Nayroobi yimaadeen,islamarkaana ay wada yeesheen kulan socdey mudo saacad ah .
Ma noqoneyso markii ugu horeysay oo ay Puntland kala hadasho Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyey , iyadoo horey ay u jirtey in Madaxweynaha Puntland uu ka sheegey kulamadii uu Garowe kula yeeshey Xasan Shiikh in wax laga bedelay Dastuurkii rasmiga ahaa ee dhigayey Qodobadii Federalka.
Dad badan ayaa qaba in Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh uu ka mid yahay xubnaha sida weyn uga soo horjeeda taabo galinta qodobada dastuurku dhigayo ee la xirira arrimaha Federalism-ka, xilli aysan jirin jawab rasmiya oo ay DF Somalia ka bixisey eedeymaha Puntland dhowr mar usoo jeedisay ee biliqeysiga Dastuurka ku saabsan.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Nayroobi.