Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Diyaaradda Air Jabuti oo 14 sano kadib bilowday duulimaad rakaab

$
0
0

Shirkadda Diyaaradaha ee Air Jabuuti ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda rakaabka, kadib markii diyaaradu shaqadeeda joojisay sanadkii 2002.

Diyaaradda Air Jabuuti oo lagu naaneyso diyaarada badda cas ayaa la aas aasay sanadkii 1963, waxayna ka mid ahayd shirkadaha diyaaradaha ee ugu weyn Qaaradda Afrika.

Sanadkii 2015 ayay ahayd markii diyaarada Air Jabuuti ay bilowday duulimaad dhinaca xamuulka, hase ahaatee waxay sanadkan 2016  toos u bilawday duulimaadka rakaab ah.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xariga ka jaray xaflada furitaanka ee din loogu casriyeeyay diyaarada, Iyadoona ka bilaabaysa duulimaadkeeda ugu horeeya Dubai, London iyo Paris, halka dhamaadka sanadkan ay duulimaad toos ku tagi doonto magaalada Mombay ee dalka India.

Diyaaradda Air Jabuuti ayaa waxay taageero ka heli doontaa shrikada Cardiff Aviation ee fadhigeedu yahay dalka Malta, waxayna tartan la geli doonta shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines oo ah labada shirkadood ee ugu waaweyn geeska Afrika.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST

The post Diyaaradda Air Jabuti oo 14 sano kadib bilowday duulimaad rakaab appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>