Waxaa xusid mudan in madax-weyne Xasan SHiikh uu ahaa ninka keliya ee ay soo martay fursad aysan helin madaxdii ka horeysay; Cabdu-Allaahi Yuusuf Axmed, iyo SHiikh SHariif SHiikh Axmed, oo isagu wuxuu ku soo beegmay waqti aad moodo in wadanku uu ka dhaqan galay nidaam haba iska taag darnaadee dabeecad ahaan u samaysmay hab dowladeed, magaallada Muqdisho aysan joogin qabqablayaashii, maxkamadihii, kooxdii Al-shabaabna aysan awood ku qabsan maamulka iyo magaallada midna. Marka madax-weyne Xasan SHiikh isagaa laga rabay inuu dowladnimmada aaminsanyahay oo uu wax ka bedelo siyaabihii ay Qabqablayaashii Muqdisho u fekerayeen ee ahayd inay hanta ka tabcadaan inta aysan dalka dowlad ka dhalan, waana fikraddaas meesha ay inooga il-heleen dowladaha shisheeyaha ah ee maamula madaxdeenna….
Waxay ahayd in sidii marar badan shirkii Mbagathi laga sheegay, dowladda shirkaas ka soo baxda in ciidamo u ilaaliya ilaa iyo inta ay ciidan ilaaliya ka dhisanayso lagu taageero, laakiin arrintii waxaa loo bedelay bedelayciidamo laysku ilaaliyo oo yaa laysaga ilaalinayaa?! ….Bal hadda isku day inaad ka jawaabto?…..waxaa markii hore qorshuhu ahaa in la helo uur-kiraalayaal Soomaali ah oo laynoo adeegsadao layskuna ilaaliyo laakiin waa ay suuroobi weysay oo maxkamadihii baa adkaaday, waxaa inoo bedelay niman la soo taba baray, oo annaga inay na yihiin aan u naqaan, dhammaantoodna Professors ah, Doctors ah, shaqadooduna tahay inay madaxda iyo ajaanibta is oggoleysiiyaan, maalin kastana madaxdii siinaya lacago kaash ah oo lagu soo magacaabay inay yihiin deeq ama kaalmo shacabka Soomaaliyeed la siinayo, laakiin ujeeddada runta ah ay tahay inay madaxda qaataan, waliba waxay lacagtaas ku shubtaan xisaabaad (Accounts) bangiyada dalalkooda ku yaala ah…..lalama hadlayo, wax og layka dhigi mayo…laakiin madaxdii maxaa laga dhigay kuwo ka amar qaata qof kasta oo aajnabi ah oo dalka jooga!!……
Gebre baa amar siinaya, Keating baa amar siinaya, Ismaaciil Cumar geele baa amar siinaya, kuray KHaliijka ka yimid baa amray, ninna wax dalka ku xun iyo wax u san kalama hadli karo, dowladihii Afrikaanka ahaa ee hiilka innaga balan qaadayna boobka Soomaaliya lagu hayo baa waxaa laga siiyay mashruuc inay keenaan askar ilaalisa kuwa dalka boobaya mushaar ay canshuur fiican ka qaataanna la siiyo!……marka sida hadda muuqata waxaa laynoogu talo galay dowladnimada macnaheeda in sidaas laynoo fahmsiiyo….Waxaa is garab socda Professors muuqaal iyo samaysba inoo eg, Doctors muqaal iyo samaysba inoo eg, Lacag, iyo Askar…. Xasan SHiikh Max’ud marki la doortay waxay dadka badankood is lahaayeen waa dhallin yaro ah oo wax badan sharafta ka xigsan doona, waa nin garan doona maanta inuu wax badan ka tago laakiin ka dar oo dibi dhal baa dhacday, waxaana dalkii uu galay 4sano oo dibindaabyo ah!…..
Xasan SHiikh Max’ud markii ugu horeysay ee uu yimid Minneapolis, waxaa u soo baxay dad qiyaastii tiradooda lagu sheegay inta u dhexeysay 7kun ilaa 9kun, dadkaas waxa soo saaray waxay ahayd Soomaalinimo, wadan jacayl, iyo inay Xasan SHiikh tusaan inay diyaar u yihiin hiil iyo hoo taageero ah inay la garab taaganyihiin si hawsha baaxadda leh ee loo xil saaray uu u guto….laakiin maxaa dhacay?! Muxuu kula hadlay?!……Waxaa yaab lahaa Xasan SHiikh madax-weynuhu wuu ogaa meesha dadkan joogaan inaysan Soomaaliya ahayn, wuuna ogaa inaysan ku dhalan Minneapolis, wuuna dareensanaa inay yihiin shacabkii Xamar ka soo qaxay (in ku dhow-dhow 97%)….isagoo sidaas u fahamsan, buu si la oran karo ku tal gal bay ahayd oo aan wax xeer ama qaynuun ah aan ah ku salaysnayn wuxuu ku yiri “…..waxaan u sheegayaa dadka maalin kasta ku haya ina-adeerkay aa la dilay, ama guri aa layga haystaa inay iska ilaawaan, haddii kale waxay gefaayaan berrida quruxda badan!…”
Waxay ahayd maalin Jimce ah, January 18, 2013, dadka tiradaas leh, waxaa shakai la’aan ah in ka badan 70% inay maalinkaas shaqayniyeen, qaarkoodna ay ka yimaadeen gobolo aad uga fog Minnesota, waxa laga sugayay iyo waxa uu mashquulka ku ahaa…. Xasan SHiikh Max’ud muddadii loo doortay inuu xilka dalka hayo ee 4ta sano ahayd wuxuu dalka qarka u istaagay inuu dib ugu boqdo colaado iyo burbur hor leh, sida uu u fekeriyay kama muuqan qaabkii uu dalka ugu hoggaamin lahaa siduu qaranimadiisii dib ugu soo ceshan lahaa, waxaan marar badan lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo hanta ummadeed uu ku tagri falay, waxaana dhacday in guddomiyhii bankiga dhexe Yusur Adan Abraar, ay sanadkii 2013kii shaqadeedii uga tagtay sababo la xiriira arrimahaas.
Waxaa iyadana nasiib daro weyn ahayd in Af-Hayeenkii Golihii SHacabka iyo madax-weynihii ay noqdeen hal xafiis. Xasan Shiikh wuxuu ku shaqeeyay nidaam aan wax badan ka duwanayn kii qabqablayaasha, waxaan jirtay in xil-dhibaannadii ay gaareen heer aysan hadli karin, Max’ed Cuthmaan Jawaari, Af-hayeenkii barlamanka wuxuu dhowr jeer hor joogsaday Mooshino madax-weyne Xasan SHiikh ay xil-dhibaannada ka keeneen si aan sharci ahayn isla markaasna aysan ka marnayn hanjabaad iyo caga juglayn…..
Waxaana dad badan ay xasuusanyihiin in ra’iisal wazaarihii hore Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) uu dacwo uu soo abaabulay Xasan SHiikh Max’ud mooshin looga keenay barlamanka, Saacid ayaa codsaday inuu xil-dhibaannada ka hor ahdlo si uu uga jawaabo qodobbada mooshinka lagu soo qoray, hasa yeeshee, bishii December 1dii 2013, Jawaari oo ujeeddadiisu ahayd in ra’iisal wazaaraha loo diido inuu hadalkaas jeediyo ayaa yiri cod ha loo qaado inuu ra’iisal wazaaraha barlamanka la hadlo iyo in kale…..Ra’iisal wazaarah inuu xil-dhibaannada la hadlo waxay u baahatay in cod loo qaado……ugu dambayntiina Saacid isagoo aan wax hadal ah jeedin baa xil-dhibaannadi rideen….
Beri la soco….
PUNTLAND POST
The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXVI) 66aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.