Waxaa maanta lagu xusay magaalada Garowe maalinta dhalinyarada Adduunka oo ku began 12 Augsto 2016 , Waxaana kazoo qeyb galay munaasabad baalaran oo maalintan lagu maamusayay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Wakiilo ka socda Hay,addaha UNICEF, World Vision iyo Care International , Fanaaniin , Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa maalintan ugu hambalyeey dhalinyarada, Isagoona kula dardaarmey inay ka waantoobaan falalka lidka ku ah noloshooda sida tahriibta, burcad badeednimada ,Mukhaadaraadka IWM.
Wakiilada ka socday hay,addaha caalamiga ee goob jooga u ahaa xuska lagu qabtey magaalada Garowe ayaa sheegey inay dardar galinayaan barnaamijyada lagu horumarinayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.
Munaasabada oo u badnayd wacyi galin door mug leh ay ka ciyaarayaan Fanaaniinka kooxda Mahuraan Band ayaa lagu soo bandhigay Heeso, Majaajilooyin, iyo Suugaan kala duwan, Waxaana ay dhamaantood xambaarsanaayeen doorka dhalinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalkooda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Garowe oo si weyn looga xusay maalinta dhalinyarada appeared first on Puntland Post.