Garowe (Puntland Post):- Magaalada Kala-beyr oo 60 KM u jirta Garowe ayaa lagu qabtey xaflad lagu dhiiri-galinayo Ardeyda Dugsiga hoose/dhexe/Sare ee Nageeye ka dib markii kaalinta saddexaad ka galeen barnaamijkii tartan iyo tacliin Idaacadda Daljir ay ku tartan-siiyay 65 dugsiyo sare oo ku yaala Puntland.
Munaasabad oo isugu jirtey dhiiri-galinta ardeyda iyo dib u furista iskuulka ayaa lagu qabtey tuulada Kalabeyr waxaana kasoo qeyb galay masuuliyiin uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase , Maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Alwaxa oo ahaa iskuulkii ku guulaystey tartankii barnaamijkaas, Nabadoono, Qeybaha kala duwan ee bulshada Kala-beyr , Ardeyda Iskuulka hoose/dhexe iyo sare ee tuulada Kala-beyr iyo Marti sharaf kale.
Maamulaha Iskuulka Nageeye Axmed Maxamed Yuusuf ayaa sheegey in dugsiga Kala-beyr la asaasay sanadkii 1975-tii halka dugsiga sare la asaasay 2010 , wuxuuna sheegey xilli uu 6 sano jirsaday dugsiga sare ee tuuladu inuu kaalin muhiim ka galay tartan aqooneed uu la galay 30 dhigiisa ah oo ku yaala deegaanada Puntland.
Nabadoon Cali Maxamed Xasan (Cali dhawaaq) oo ka mid ah Aas aasayaashii Iskuulka Kala-beyr ayaa uga tahniyadeeyay Ardeyda Iskuulkaas kaalinta ay ka galeen barnaamijkii tartan iyo tacliin ,wuxuuna kula dardaarmey ardeyda dugsiga sare ee Kala-beyr inay sii laba jibaaraan aqoontooda .
Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo goob joog u ahaa munaasabada quruxda badan ee lagu qabtey tuulada Kala-beyr 12/08/2016 ayaa ku sababeeyey guusha Ardeyda dugsiga sare ee Nageeye inay ku timid wanaaga iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada ku nool deegaanka.
Suldaanka ayaa gaba-gabadii xaflada kula balamay Ardeyda inay laba jibaaraan dadaalkooda, Isagoona guud ahaan u rajeeyey qeybaha bulshada guul iyo horumar.
DAAWO MUUQAALKA XAFLADA
DAAWO SAWIRADA XAFLADA.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Tuulada Kala-beyr Gobolka Nugaal oo u dabaal-dagtay guul Ardo appeared first on Puntland Post.