Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maryan Nuux oo Soomaaliya u mataleysa Olympic-ada Aduunka oo maanta tartameysa

$
0
0

Sanadkaan Ciyaaraha Olympic-ada Aduunka ee ka socda  magaalada Rio De jenerio ee Dalka Brazil Soomaaliya waxa uga qayb galay  laba Orodyahano, kuwaas oo kala ah Mohamed Daud Mohamed oo 20 sanno jir iyo Maryan Nuux Muuse oo 19-jir ah.

Labadan Orodyahano ayaa ka mid ah  11-kun ee ciyaariyahan ee ka qeyb galaya tartanka kuwaas oo ku sugan dalka Brazil.

Maryan Nuux Muuse ayaa maanta Olombikada Soomaaliya ku matali doonta waxeyna u tartami doontaa Orodka hablaha ee Afarta Boqol Mitir (400 Mitir), waxeyna la tarami doontaa todoba orodyahano oo ka kala socda dalal kala duwan kuwaas oo kala ah Bahrain, France, Greece,  Italy, Liberia, Portugal iyo Vietnam.

Tartankan ayaa  dhici doona saacadda magaalada Rio De jenerio marka ay tahay 10:35 Subaxnimo oo u dhiganta (4:35 Galabnimo) ee xiliga geeska Afrika.

Dhanka kale Mahamed Daud Mahamed ayaa isna waxa uu  Tartami doonaa 17 Bishan .

PUNTLAND POST 

 

The post Maryan Nuux oo Soomaaliya u mataleysa Olympic-ada Aduunka oo maanta tartameysa appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>