Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Saraakiil Tababar u soo xiray

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xirey xerada  Gen. Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dableyda iyo Injineero, waxana tababarku soconayay muddo 5 bilood ah, kaas oo bixinayeen Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

 

Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay tagaan goobaha laga saaro Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka.

Wasiir Diini  wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababar loosoo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka, taasoo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray.

 

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Hoggaanka Tababarka Ciidamadda Xoogga dalka S/G C/laahi Cali Caanood, Taliye ku xigeenka Ciidamadda AMISOM iyo saraakiisha Midowga Yurub ee tababara Ciidamadda Xoogga dalka.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Saraakiil Tababar u soo xiray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>