Waxaa aad u hoosaysa is diiwaan galinta doorashada Somaliland oo sidii la rabay aanu dadku isku diiwaan galin sida ay xaqiijiyeen ururada mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Habac sanaanta ka jirta is diiwaan galin la’anta ayaa loo sababeynayaa inay ugu wacan tahay dadka oo kazoo kaban la,a Abaaro ka dhacay Somaliland iyo Dhaqaalo xumo baahsan oo ka jirta guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Xukuumadda Somaliland waxay labo jibaartay wacyi-galinta, waxaana sanadkan 2016 xataa loo adeegsanayaa warbaahinta kale ee Somalida sida telefishinada kala ah Universal, Somali Chanel, iyo kuwo kale oo dhamaantood baahinaya muhiimadda is diiwaan galinta.
Gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland oo ah kan ugu ballaaran oo la filayay inay iska diiwaan galiyaan dad badan waxa kazoo baxday natiijo si weyn uga yar intii horey looga filayay.
Waxay u badan tahay Doorashada soo socota ee Somaliland inay noqoto tii ay ka qeyb galeen dadkii ugu tirada yaraa marka la bar-bar dhigo Doorashooyinkii hore.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Is-diiwaan galinta doorashada Somaliland oo hoosaysa appeared first on Puntland Post.