Dad shacab ah ayaa ku dilay deegaanka Luuq jeeloow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan horjooge sare oo ka tirsan Alshabab ka dib dagaal shalay dhex maray , Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay iyo saraakiil ka tirsan dowlada federalka Somalia.
Dagaalkan oo dhex marey dad rayid ah iyo Alshabab ayaa wararku sheegayaan inuu gaystey khasaare labada dhinac soo gaarey , wuxuuna ka bilowday ka dib markii Alshabab deegaanka Luuq jeeloow ku biraysay nabadoon caan ah.
Jeneral Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegey inuu bilowday dagaalka Alshabab iyo dadka shacabka habeen hore islamarkaana intii uu socday lagu dilay Horjooge magaciisa la yiraahdo Maxamed Cali “Dhegaweyne” iyo Saddex kale oo ka tirsan Alshabab.
Waxa uu carabka ku dhuftay Jeneral Cumar Dheere inay ku guulaysteen dadka deegaanku in AlShabaab ay ka saaraan Luuq Jeeloow oo 20-km dhanka Galbeed kaga toosan magaalada Beledweyne.
Waxa uu intaas ku darey Cumar dheere inay ka wada shaqayn doonaan Adkaynta nabad-galyada ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Somalia iyo dadka deegaanka Luuq jeeloow.
Ma ahan markii ugu horraysay oo shacab u istaago siduu ula dagaallami lahaa Al Shabaab, waxayna taasi ku timid ka dib markii la waayay doorkii dowladda ,Sidoo kale ay siyaaday dhibaatada ururkaasi ku hayo bulshada rayidka ah.
PUNTLAND POST
The post Shacab dilay horjooge ka tirsan Alshabab appeared first on Puntland Post.