Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Issimo ka horyimid wada hadalka Khaatumo iyo Somaliland

$
0
0

in ka badan 5 Issim oo ka mid ah kuwa gobollada Sool Sanaag iyo Cayn oo ku sugan goob madal nabadayn ah oo ku taala tuulo la yiraahdo Dhummay ayaa shir jaraa,iid oo ay maanta qabteen uga horyimid wada hadalka maamulka Somaliland uu kula jiro maamulka Khaatumo.

Issimadan ayaa si cad u dhaliilay shirkii ku dhex marey magaalada Caynaba ee Gobolka Sool xubno ka tirsan Khaatumo iyo Maamulka Somaliland, waxayna sheegeen inaysan matalin dhinacyada ku shirey Caynaba masiirka ummada gobollada Sool Sanaag iyo Cayn.

Akhriso magacyada Issimada qabtay Shirka Jaraa,iid.

  1. Garaad Cabdirizaaq Garaad Soofe
  2. Garaad Cabdisalaan Xassan Maxamed
  3. Garaad Suleymaan Buraale Aw Aadan
  4. Suldaan Siciid Cismaan Cali
  5. Garaad Maxamud Mashqare
  6. Suldaan Cali Sheikh Axmed

Gaba-gabadii waxa ay ku baaqeen Issimada maanta shirka Jaraa,iid qabtey shirweyne u dhexeeya shacabka Sool Sanaag iyo Cayn , Kaas oo ay sheegeen in looga tashanayo mustaqbalka gobollada SSC.

Daawo Shirka Jaraa,iid

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Issimo ka horyimid wada hadalka Khaatumo iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>