Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Deggaanka Puntland oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Leicester UK

$
0
0

Waxaa lagu qabtay magaalada Leicester UK, xaflad balaaran oo lagu  soodhaweeyay  Dr. Ali Abdullahi Warsame oo ah wasiirka Deggaanka , Dalxiiska iyo Duur joogta Dawlad putland , Waxaana ka soo qeyb galay xaflada dad badan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Puntland sida wax garadka, dumarka , odayaasha iyo dhalinyarada.

Soo dhaweyn  iyo isbarsho kadib waxaa wacyi diini ah ku furay Sh. Maxamed jamac, kadibna waxaa warbixin kooban siyaay wasiirka odayaasha ay kamid yihiin Yasiin dahir iyo eng. Maxamed diiriye Laalac kuna soo dhaweeyay wasiirka in uu jaaliyada uga warbixiyo xaaladaha ka jira dalkii hooyo.

Waxaa kulankan qeyb weyn ka qaatay in uu qabsoomo  Gabdhaha lafdhabarta u ah Jaaliyadda reer Puntland ee magalada Leicester oo kala ah Nadiifo Cisman, Xaawo Saalax iyo Shugri Said Daahir iyaga oo kaashanaya dhalinyarada iyo xubnaha kale ee Jaaliyadda .

waxaan meesha ka maqneeyn Dr. Ali Abdullahi oo ah wasiir kamid ah qurba joogta reer puntland ee magaaladan Leicester . Jaaliyadda oo aqoon dheer u leh  arrimihii badnaa ee la xiriirey horumarinta haydaha addeega caafimaadka Dawlada puntland oo uu wasiir ka soo ahaa xiligii Dawladii Dr. Abdiraxman sh. Maxamoud Faroole iyo in uu yahay masuul ku dayasha mudan oo ah masuul aad ugu dhow bulshada reer puntland nooc kasta oo ay tahay. Waxaa wasiirku warbixin kasiiyay Jaaliyadda wax yaalaha kala ah:-

  • Siyaasada
  • Deggaanka
  • Amniga
  • dhaqaalaha
  • Horumarka

Puntland waxaa ka jira Dawlad iyo dad isku xiran doonayana in ay Somali nabad , cadaalad iyo Dawladnimo federaal ah oo ay horseed u tahay Dawlada puntland iyo shacabkeedu in ay  ka hirgasho sandkan daba yaaqadiisa.

Deeggaanka puntland waxaa ka jira dhibaatooyin dabeeci ah iyo roob yaraan ama roobab wata dabeeylo dhib u geeysta duunyadda , dadka iyo deggaanka. Waxaa kaloo dawladu ka shaqeysay wacyi galin la xiriirta in dadka lagu baraarujiyo in aysan dhirta jarin, ayna joojiyaan xirmeysigga sharci darada ah ee dhaca dhulka daaqsinka ah ee ka dhexeeya dadweynaha

Wuxuu wasiirku sheegay in ay ka jirto Puntland amni wanaagsan oo laysku haleyn karo wax yaalaha amni xumo oo ka dhacayana ay xukuumadu dadaal ugu jirto in ay wax ka qabato. Wuxuuna ku baraarujiyay dadkii ka soo qeyb galaey kulanka in ay yimaadan dalka kana qeyb qaatan horimarka ka socda.

Puntland waa dawlad ku dhisan isku tashi iyo canshuuraha ay ka hesho dalkeeda, manajirto dawlad gacan kasiisa dhaqaalaha ku baxa adeegyada doowliga ah. Waxaa ka jira fursado badan oo dawlada puntland ku dooneyso in ay dhaqaalaha ku hormariso, waxaana ka jira dadaalow lagu dhisayo jidadka isku xira laamiga iyo magaalooyinka laamiga ka fog.

Waxaa wasiirku sheegay in Dawladaan ay hirgalisay mashaariic horumarineed oo uu ugu horeeyo mashruuca wadada Ceeldaahir ceergaabo, airportiga Bosaaso, airportigga garoowe oo lagu wado in lafuro dhamaadka sanadkan iyo in airport cusub laga dhisayo Gaalkacyo.

Waxaa wasiirku u mahad ceshay dhamaan ka soo qeyb galayaashii kulankan, gaar ahaan xubnihii soo qaban qaabiyay oo ay hormood ka ahaayeen gabdhaha reer puntland ee Leicester

Hadaba waxaa wasiirku lawadaagay dadweynihii soo xaadiray kulanka war bixin ay u riyaaqeen kuna beertay in ay wadahadal iyo su’aalo iska weydiiyaan wax yaalaha ay ka qabsan karaan dalkii hooyo.

IMG_20160812_162442 (1)

IMG_20160812_163505 (1)

IMG_20160812_163702 (1)

IMG_20160812_164638 (1)

IMG_20160812_160205

IMG_20160812_164632

IMG_20160812_173747

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Deggaanka Puntland oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Leicester UK appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles