Garoowe: (pp)- Maalintii shalay oo ahayd 2 June waxaa ku ekeed hawshii uu qaban jiray Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS waxaana la filayaa maanta oo ay taariikhda bishu tahay 03 June 2013 in xafiiskii bedeli lahaa laga furo gobolada dalka Sida magaalooyinka Garowe, Hargeysa iyo Muqdisho.
UNSOM ayaa waxaa wax qabadkiisa ka mid ah in uu gacan ka geysto abuurida iyo kobcinta siyaasadeed ee lagu heli karo xasilooni iyo nabadeyn isagoona taageeri doona ajandaha Amniga iyo dhismaha qaranka Dowlada Federalka Somalia.
Sidoo kale Xafiiskan wuxuu Taageero Siyaasdeed siinayaa hawlgalka Midowga Afrika oo ay ku jiraan Nabadeynta dib u dhiska Dalka Hay’adaha Dawladda Xagga Maamulka.
Hawl galka Xafiiskan ayaa waxaa kaloo ka mid ah sidii diiradda loo saari lahaa arrimaha ay ka midka yihiin dhex dheexadin taageero loo fidiyo dadaalka dib u heshiisiinta sida is bedel lagu sameeyo laguna dhisayo Hay’adaha Soomaaliya ee Amniga iyo Garsoorka iyagoo la siinayo talooyin Farsamo.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 29kii Bishii abril ee Sanadkan Nicholas Kay oo u dhashay Boqortooyada ingiriiska oo ah Dibulumaasi Waaya aragnimo u leh Afrika u magacaabay inuu noqdo Ergeygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM kaasoo Hoggaamin doona isku xirka hawlaha Qaramada Midoobay.
Ka sokow la wareegida xafiiska UNSOM howlihii xafiiskii UNPOS ayaa sida Puntlandpost warar ku helayso xaflad la xiriirta loogu qaban doonaa maanta magaalada Garowe qeybta UNSOM Somalia looga furayo.
Puntlandpost.com
Garoowe.